Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya ay xiriir wanaagsan la leedahay dalalka Itoobiya iyo Eritrea, isaga oo caddeeyay in khilaafaadka labada dal u dhexeeya ay yihiin arrimo iyaga u gaar ah oo aysan Soomaaliya doonayn inay farageliso.
Madaxweynaha oo wareysi siiyay Skynews ayaa sheegay in Soomaaliya aysan dhinac ka ahayn khilaafaadka u dhexeeya Addis Ababa iyo Asmara, isla markaana aysan jirin wax khilaaf ah oo ay doonayso inay ku lug yeelato.“Xiriir wanaagsan ayaan la leenahay Itoobiya, sidoo kale xiriir wanaagsan ayaan la leenahay Eritrea.
Waxa dhexmara labada dal waa arrin iyaga u gaar ah, annagu qayb kama nihin, mana jiraan khilaafaad aan doonayno inaan faragelinno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxa uu intaa ku daray in siyaasadda dowladda Soomaaliya ay ku dhisan tahay xoojinta isfahamka, iskaashiga iyo nabadda, isaga oo xusay in hal-ku-dhegga dalku yahay Soomaaliya nafteeda la heshiisay, dunidana la heshiisay.
Hadalkan ayaa muujinaya mowqifka diblomaasiyadeed ee Muqdisho ee ku aaddan xiriirka dalalka gobolka, gaar ahaan dadaalka ay ku doonayso inay xiriir wanaagsan la yeelato dalalka deriska ah, iyadoo ka fogaanaysa inay qayb ka noqoto khilaafaadka laba geesoodka ah.Geesta kale, Geeska Afrika ayaa weli wajahaya xiisado siyaasadeed iyo kuwo diblomaasiyadeed oo u dhexeeya qaar ka mid ah dalalka gobolka, taas oo sare u qaadday muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo wada-hadallada lagu xoojinayo xasilloonida gobolka.

