Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay Taliyaha Qaybta Saddexaad ee Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee deegaannada maamulkaasi, xoojinta iskaashiga ciidamada iyo dardargelinta howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed iyo saraakiil ciidan, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo ciidamada nabad ilaalinta.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay isku-duwidda ciidamada iyo hay’adaha amniga, si loo xaqiijiyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed, loona dardargeliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Kulankan ayaa imanaya xilli xaaladda amni ee deegaannada Koonfur Galbeed ay weli ka mid tahay arrimaha muhiimka ah ee horyaalla maamulka iyo ciidamada dowladda, gaar ahaan dadaallada lagu sugayo amniga iyo ilaalinta shacabka.

