
WHO ayaa xaqiijisay in xaalad caafimaad oo halis ah ay ka taagan tahay markabka dalxiiska ee MV Hondius, kaas oo weli ku xaniban xeebaha dalka Cabo Verde, kadib markii cudurka halista ah ee hantavirus looga shakiyay inuu ka dillaacay markabkaasi.
ku dhowaad 150 rakaab ah ayaa weli saaran markabka, kuwaas oo intooda badan u kala dhashay dalalka UK, Mareykanka iyo isbayn.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka, saddex qof ayaa geeriyooday intii lagu guda jiray safarka, kuwaas oo kala ahaa lamaane u dhashay Netherlands iyo muwaadin u dhashay Jarmalka.
Dad kale ayaa sidoo kale xanuunsaday, waxaana ku jira muwaadin British ah oo hore uga degay markabka, haatana lagu daweynayo dalka Koonfur Afrika.
WHO ayaa sheegtay in illaa hadda la diiwaangeliyay toddobo kiis oo la xaqiijiyay ama looga shakisan yahay cudurka hantavirus, kuwaas oo ay ku jiraan saddex dhimasho, hal bukaan oo xaaladdiisu aad u daran tahay, iyo saddex kale oo calaamado fudud leh.
Cudurkan oo inta badan ka yimaada jiirka ama wasakhdiisa ayaa si dhif ah qof ilaa qof ugu gudba, balse hay’addu waxay sheegtay in khatarta guud ee bulshada ay weli hooseyso.
Mas’uuliyiinta Cabo Verde ayaa diiday in markabku dekedda ku soo xirto, iyadoo baaritaanno caafimaad iyo qorshayaal daad-gureyn caafimaad ay weli socdaan.























