Ku dhowaad nus qarni kadib waxaa weli dalka ka jira gaboodfallo u gaar ah lagula kaco haweenka Soomaaliyeed sida gudniinka fircooniga, jirdilka iyo guurka khasabka ah dhaqamadaasi jaahilnimada ah oo diinta Islaamkuna aaney ogoleyn in lagu dhaqmo.
Haddaba qarnigan 21aad dunidu ay horumartay ayaa gudaha Soomaaliya waxaad mooddaa in guurka khasabka ah uu ku soo badanayo oo gabdhaha yaryar nin aysan doonaynin oon aysan calman khasab loogu guurinayo, iyado waalidka lala soo xiriirayo dhaqaale culusna la siinayo oo kale, ama awood sheegasho ay sandulle gabdhaha ku kaxaysanayaan ragga ka midka ah kooxaha ku loolalmaya dalka.
Haddaba Ceelashabiyaha duleedka Muqdisho maalintii shaley taariikhda ku beegneyd 17.04.2014 waxaa ka dhacday arrin la yaab leh, kadib markii qoys ku soo qaxay Ceelasha gabadhooda lagu magacaabo Faadumo Haashim Macoow nin sarkaal booliis ah khasab loogu guuriyay.
Ninkan sarkaalka ah oo hantiile ah gabadha la khasbay adeerkeed u shaqayn jiray ayaa adeerka gabadha iyo isagu intey is afgarteen lacagana kala qaateen gabadhoon raali ka ahayn ninkan sarkaalka booliiska lagu magacaabo Cabdirisaaq Xirsi Jaamac kana dhashay beelaha dalka ku xooggan loogu guuriyay xaafaddiisa Kaawagodey degmada Madiina ee magaalada Muqdisho, taaso cabsi hor leh ku beertay gabdhaha weli aan guursan sugaaya mustaqbal wanaagsan ay ayaka ka raali yihiin in lamaanahooda ay qiyaar u xushaan ulana noolaadaan.