Goofgaduud(WMN)Dagaalkan ayaaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-shabaab ay weerar dhow jiho ah ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka Koonfur Galbeed ay ku ku leeyihiin deegaanka Goof guduud Buureey ee Gobolka Baay.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaal la isku adeegsaday hubka noocaydiisa kala duwan uu dhexmaray labada dhinac, isla makaana uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.
War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheeteen inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Goof guduud Buureey oo ay ku sugnaayeen Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkii saakay ka dhacay deegaanka Goof guduud Buureey oo qiyaastii 30 KM ujira Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.