Baydhabo(WMN)_ 3 Oktoobar 2018 Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay saxiixday Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Dadka Naafada ah ama dadka qaba baahiyaha gaarka ah , iyadoo sidaa ku noqotay dowladda 178-aad ee Axdigaasi saxiixda.
Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Deeqa Yaasiin ayaa sheegtay inay ka go’an tahay ilaalinta xuquuda dadka naafada ah iyo weliba sidii loo horumarin lahaa adeegyada ay helaan.
Wasiir Deeqa Yaasiin ayaa markii ay Axdigaasi saxiixday kaddib waxa waxaa si weyn isu bedelay dhibaatooyinkii ama in ay Meesha ka baxdo in dadka baahiyaha gaarka ah qaba in ay wayaan Xaquuqdooda.
Gudoomiyaha ururka naafada koonfur galbeed Muqtar Cali Isxaaq oo kahadlaayay naafada koonfur galbeed xaaladooda labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa uu sheegay in maamulkooda iyo xaquuqdii ay ku lahayeen dowlada faderaalka soomaaliya iyo mida maamulka koonfur galbeed wax weyn iska bedelay kawar qabkooda iyo in ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin.
Gudoomiyaha ayaa sheegay hada marka laga hadlaayo xaquuqda aadanaha in ay yihiin kuwo laxasuusan oo meelkasta lagu xuso magacooda taasina ay keentay in ururka naafada soomaaliyeed ay galaan Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Dadka Naafada ah.
Halka Hoose Ka Dhageyso Codka.
You may also like
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ka daahfuray Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya.
September 21, 2026
Kulan looga hadlay dardargelinta iyo horumarinta waxbarashada caruurta yar ibtidaa iga deegaanada koonfur galbeed oo lagu qabtay baraawe.
September 20, 2026
Xoogaga Ukraine ayaa qaadday weerarkii ugu ballaarnaa abid ee gudaha Ruushka, iyadoo doorashooyin socdaan – BBC World service
September 20, 2026
Maraykanka iyo dalalka carabta ma awoodaan iney werar ku qaadaan jamhuuriyada islaamiga Iiraan? – BBC NEWS
September 20, 2026
Xog dhameystiran Sida uu u geeryooday Munshidka weynaa u geeryooday Cabdulaahi mahdaawi allaha unaxriistee.
September 20, 2026
Dowladda Uganda oo hakisay iskaashigii militari ee Turkiga, iyadoo arrintu saameyn ku yeelan karto amniga Soomaaliya.
September 20, 2026
Ciidanka gumeystaha israaill oo Weerar toogasho ah lagu dilay waqooyiga Ramallah ciidankaas oo xoog ku heysta cariga falastiin.
September 20, 2026

