Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Qarax Goordhow ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Maamul Goboleedka Puntland.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay bar koontarool oo Ciidanka Booliska Puntland ay habeenkii ku baaraan gaadiidka kala duwan, waxana la sheegay in halka uu qaraxu ka dhacay ay u dhawdahay xaruunta Dowladda Hoose ee maamulka Puntland.
Lama oga khaasaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas, balse goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa howlgalo ka wada Ciidamada ammaanka Puntland.