Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab qeybta ka howlgasha gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa saacadihii u dambeeyey howgallo ay sameeyeen deegaano hoos taga degmada Hobyo waxa ay ku soo qabteen xubno lagu tuhunsanyahay inay ka tirsanyihiin Al-Shabaab.
Ciidamadaas ayaa ka soo ruuqaansaday saldhigyo ay ku leeyihiin duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyagoo xubnihii ay ku soo qabteen howlgalkaas oo u badan dhalinyaro, isugu geeyey degmada Hobyo ee isla gobolka Mudug.
Taliyaha hoggaaminaya howlgalkaas ee Danab ayaa sheegay in howlgalkoodu uu ahaa mid qorsheysan, isla markaana dadka ay soo qabteen ay si weyn ugu tuhunsanyihiin Shabaab-nimo.
Waxa uu sheegay in baaritaano ay ku sameyndoonaa dadkaas ay soo qabteen, baaritaan kadibna ay sii deyn doonaan qofkii ay dembi ku waayaan.
Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii wedi doonaan, isla markaana ay haatan u qorsheysanyihiin deegaano dhawr ah oo ka kala tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug, kuwaas oo sida uu sheegay ay si dhuumaaleysi ah ku joogaan Al-Shabaab
Dhanka kale Waxaa saakay xaalad deganaan ah laga soo werinayaa deegaanka Garasle oo dhaca xadka gobolka Galgaduud uu la leeyahay dhulka dowlad deegaanka Soomaalida.
Deegaankaas shalay waxaa ku dagaalamay laba maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda degmooyinka Guceel iyo Balambal ee gobolka Galgaduud, waxaana inta la ogyahay dagaalkii shalay ku geeriyooda hal qof, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen.
Dagaalka ayaa saqdii dhexe ee xalay u joogsaday si iskiis ah, mana jirto cid kala dhex gashay maleeshiyaadkii ku dagaalamayey halkaasi.
Wararkii u dambeeyey ee aan saakay ka heleyno deegaanka Garasle, waxay sheegayaan in xaaladdu ay degantahay, markii laga reebo laba dhan ay wadaan dhaqdhaqyo ay isku uruursanayaan