Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha,xukuumadda Soomaaliya Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) oo booqasho ku joogta Dawlad Goboleedka Puntland ayaa ujeedka socdaalkeeda wuxuu yahay xaqiijinta 30% qoonddada Haweenka ee siyaasadda.
“Haweenka Soomaaliyeed si ay u xaqiijiyaan xuquuqdooda waa in hooyo walba hesho adeegga dawladda, waa in ay matalaad rasmi ah ku yeeshaan golloyaasha deegaanka heer tuulo, heer degmo, heer gobol iyo heer Federaal” ayay tiri wasiir Xaniifa.
Shalay ayay aheyd, markii wafdi balaaran oo ay hor kacayso wasiirka Haweenka Soomaaliya ay ka dageen magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.