Wargeyska kasoo baxa Jarmalka ee Bild ayaa si weyn u hadal hayay nin lagu magacaabo Adolf Hitler Uunona oo ku guuleystay doorashada golaha hoose ee deegaan ka tirsan dalka Namibia.
Ninkan ayaa ka tirsan xisbiga haya talada Namibia ee Swapo.
Siyaasigan oo la yiraahdo Adolf Hitler Uunona ayaa helay boqolkiiba 85 codadkii laga dhiibtay doorashadii ka dhacday deegaanka Ompundja,
Namibia waxaa horraan guumeystay Jarmalka, waxaana dalkaas ku nool bulsho ku hadasha afka Jarmalka oo laga tiro badan yahay.
“Aabahay ayaa ii bixiyay magacan Hitler, ma uusan fahansaneyn waxa uu u taagnaa magaca Adolf Hitler” ayuu yiri Uunona.
“Yaraanteydii wuxuu ii ahaa magac iska caadi ah, laakiin markii aan weynaaday waxaan ogaaday in ninkan uu doonayay in uu la wareego dunida, marka aniga arrintan waxbo kama qaban karo”
Guumeystihii Jarmalka ayaa isaga baxay Namibia kaddib markii uu soo afjarmay dagaalkii koowaad ee dunida.
Intii u dhexeeysay sanadihii 1904 iyo 1908, ciidamadii Jarmalka waxay dileen in ka badan boqolkiiba 80 shacabka kasoo jeedo qowmiyadaha Nama iyo Herero, dhacdadaas oo ay taariikhyanada ku tilmaamaan “Xasuuqi la hilmaamay”