Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa xalay soo xiray Shirkii Somaliya iyo Saaxiibada Caalamka ee shalay uga furmay Magaalada Muqdisho.
Shirkan oo mid sanadle ah ayaa sanadkii labaad lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada, Wakiilada Beesha Caalamka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, oo shirka uga qaybgalay muuqaalka foggaan-aragga ee ZOOM-ka.
Shirka ayaa waxaa sanadkan diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha doorashooyinka, horumarada laga gaaray iyo qorshe-yaasha soo socda ee taageeridda Somaliya.
Ra’iisal Wasaare Rooble oo shirka ka hadlay ayaa yiri “Waxaan rabaa bulshada Soomaaliyeed inaan u sheego gacmaheyga, xafiiskeyga, cid kastoo Soomaali ah oo cabasho ka qabto doorashada iyo habkeeda, waan soo dhaweynayaa. Hal qof kama weyno Soomaali oo dhan, hal qof ra’yigiisa iyo rabitaankiisa Somaliya ayaa ka weyn.”
Rooble ayaa sheegay in uu safaro ku soo kala bixin doono Magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo, Dhuusamareeb iyo Kismaayo. Socdaalkiisan ayuu muujiyay inuu la xiriiro arrimaha doorashooyinka.
“Safarkeyga ayaa hadda ku wajahan sidaan ku heshiinay Madaxweyne Deni inaan ku gaaro Garoowe, haddii Alle idlmo, oo aan kala hadlo arrimaha doorashooyinka. Sidoo kale aan soo maro Gaalkacyo, aan ku xijiyo Dhuusamareeb, ka dibna Madaxweyne Axmed Madoobe waxaan ku heshiinay marka uu ku soo noqdo Kismaayo inaan toos u aado halkaa, isaga ayaana uga fadhiyaa.” Ayuu yiri Rooble.
Rooble oo xalay shirka soo xiray ayaa u mahadceliyay ka soo qaybgale-yaasha gude iyo dibadba.