Kenya ayaa Jimcihii ciidan fara-badan oo militari ah keentay xuduudda Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya. Mandhera waxay xad la leedahay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.
Ciidamadan oo aad u qalabeysan ayaa waxaa lagu bedelay Ciidamadii Booliska, ee horey uga hawlgeli jiray xuduudda labada dal.
Sidoo kale ciidamo taabacsan Maamulka Jubbaland oo ka yimid Gobolka Jubbada Hoose ayaa xalay gaaray xuduudda, iyagoona ku sugan qaybta Kenya.
Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil iyo ciidan uu hoggaaminayo ayaa sidoo kale gaaray xuduudda. Kaliil oo taabacsan Maamulka Jubbaland ayaa ka ambabaxay Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Ciidamada Kenya ay soo dhoobtay xuduudda ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli maalmihii ugu dambeysay ay xiisad ka taagneyd xuduudda Beled Xaawo iyo Mandhera.
Dowladda Somaliya ayaa waxaa dhanka Beled Xaawo ka joogga Ciidanka Kumaandooska Gorgor iyo booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.
Shacabka ku dhaqan labada degmo waxay ka walaacsan dhaqdhaqaaqyada ciidan ee xuduudda ku soo kordhay.
Tani waxay imaaneysaa, xilli uu sii xumaanayo xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dowladood.