Allaha u naxariistee waxaa xalay dalka Jarmalka ku geeriyooday fannaankii weynaa ee Qaranka Soomaaliyeed, Cabdi Cali Bacalwaan.
Hobolka ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ku xanuunsanayay dalkaasi, iyadoona maalmihii la soo dhaafay ay xaaladiisu ahayd mid aad u liidata.
Hobolka ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala Magaalada Mainz, sida uu baahiyay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.
Mar sii horeysay waxaa soo baxay warar sheegaya in hobolka uu la ildaran yahay xanuunka dilaaga ah ee COVID-19, ka dib markii uu ku dhacay.
Allaha u naxariistee Bacalwaan ayaa ka mid ahaa lafdhabarta Kooxdii Qaranka ee Hobolada Waaberi.
Bulshada Soomaaliyeed ayaa aad u dhageysan jirtay heesaha dabacsan iyo kuwa waddaniga, ee hobolku uu ku luqeyn jiray xilligii berri-samaadka.
Sanadkan ayaa waxaa bahdii Waaberi ka baxay hobolada kala ah Cumar Cabdulle Shooli, Cabdi Tahliil Warsame, Saynab Xaaji Cali Baxsan iyo Cabdi Cali Bacalwaan oo ugu dambeeyay.
Hobolkii Cabdi Cali Bacalwaan oo ku geeriyooday dalka Jarmalka
previous post