In ka badan 100 qof ayaa la dilay ka dib markii dableey aan heybtooda la garaneyn ay weerartay tuulo ku taal galbeedka Itoobiya, waa sida uu sheegay guddiga xuquuqul insaanka ee dalkaasi.
Kalkaaliye caafimaad oo ka tirsan xarun caafimaad oo maxalli ah ayaa BBC-da u sheegtay in in ka badan 30 qof la dhigay xarunta, oo ay ku jiraan qaar xaaladoodu liidato.
Qaar ka mid ah dhibbanayaasha ayaa la toogtay, halka kuwa kalena la tooreeyay, ayay hadalkeeda ku sii dartay kal-kaalisada.
Weerarkii Arbacadii ka dhacay gobolka Benishangul-Gumuz ayaa yimid maalin kadib booqashadii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed
Bayaan ay soo saareen, guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya waxay ku sheegeen in weerarka uu ka dhacay tuulada Bekoji, oo ku taal aag ay ku nool yihiin qowmiyado badan oo isku dhaf ah.
“In ka badan 100 qof ayaa lagu dilay weerar dab iyo toogasho isugu jira oo ay geysteen rag hubaysan waa barigii Arbacada”, guddiga ayaa yiri.
Beyene Melese, oo ah afhayeen uhadlay dowlada gobolka ayaa weerarka ku eedeeyay waxa uu ugu yeeray “canaasiirta nabad diidka.”
Maalintii Talaadada ayuu ra’iisul wasaare Abiy u safray gobolka si uu ugala hadlo dib u soo noqnoqoshada rabshadaha ku saleysan qowmiyadaha ee bilihii la soo dhaafay.
“Rabitaankii cadawga ee ahaa in Itoobiya loo qaybiyo qowmiyado iyo diimo wali wuu jiraa,” ra’iisul wasaaraha ayaa sidaasi ku qoray bartiisa Twitter booqashadiisa kadib. “Rabitaankan ayaa sii ahaan doona mid aan la fulinin.”
Gobolka Benishangul-Gumuz waxaa ka dhacay ugu yaraan afar weerar oo lagu hoobtay tan iyo bishii Sebtember, oo uu ku jiro weerar hub loo adeegsaday oo lala beegsaday bas rakaab ah bishii Nofeembar kaasi oo ay ku dhinteen 34 qof.
Rabshadaha ka socda gobolkan ayaanan loo maleynayn inay la xiriirto duulaankii dhulka iyo cirka ahaa ee ay dowladdu ka bilowday waqooyiga gobolka Tigree bishii hore.
Boqolaal, ama xitaa kumanaan dad ah ayaa loo maleynayaa in lagu dilay dagaaladaas, halka ilaa 50 kun oo qof ay u qaxeen dalka ay deriska yihiin ee Suudaan.