Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si adag uga hadlay xaaladda ku soo korortay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Beledweyne waxaa Axadii ka dhacay bannaanbaxyo rabshado watay, oo looga soo horjeeday hawlgalada ka socda magaalada, ee lagu qabqabanayo dad lagu eedeeyay in ay diidan yihiin Maamulka Hirshabelle.
Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Gobolka Hiiraan uu galay xaalad cusub, isagoona Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay adeegsanayso farsamooyinkii uu gumeystaha adeegsan jiray.
“Xaaladda Gobolka Hiiraan waxay gashay marxalad cusub, waxaa muuqata Dowladda Dhexe inay go’aan ku gaartay in ummadda aad loo caburiyo, inay go’aan ku gaareen in la isticmaalo farsamadii uu isticmaarka isticmaali jiray, oo ah bandow hala geliyo, cunnada halaga joojiyo, shaqada halaga joojiyo, dhaqaalaha halaga curyaamiyo. Waa waxa shalay Beledweyne ku bilowday, waa waxa shalay dadku ka mudaaharaaday, waa waxa aakhirka na dhaxalsiin doonto dhibaato intaan ka weyn, haddaan caqligu shaqeynin.” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre.
Waxa kaloo uu yiri “Xukuumadda Federaalka waxaa looga fadhiyaa in arrintaas ay ka waantowdo. Haddii dad ku dhinto waxaan la yiraahdo ciqaab wadareed ‘Sidee baa xuquuqdiina iyo maskaxdiina uga hadli kartaan, cunnadaa idinka joojinaa, cunaqabateenaa idinku waxaynaa’ haddii ay arrintu noqoto waxaan shaki ku jirin in arrintu aysan ku ekaan doonin Gobolka Hiiraan iyo Magaalada Beledweyne. Dad badanaa loo maxkamadayn doonnaa, dad badan ayay muddo dheer daba taagnaan doontaa waxa meeshaas ka dhacaya.”
Xildhibaan Goodax ayaa yiri “Waa cunsuriyad, waa midab takoor in ummadda lagu cadaadiyo raashiinkii oo laga joojiyay, Beledweyne laga dhigo xabsi dusha ka furan, lagu xabadeeyo, dad-na ku dhinto waa waxaan leeskaga hareynin, masuuliyiinta sare ee wadanka iyagaa ka jawaabi doono. Haddii aad is leedihiin maxkamado kama jiraan wadanka gudahiisa waala hurda siiyay, waxaan hareynin ayay noqonaysaa. Wax aan harin oo mar walba lagu xisaabtamo ayay noqonaysaa. Waxaa haboon inta ay goori goor tahay inaad ka waantowdaan arrintaas.”
Xildhibaanka ayaa warkan ku sheegay muuqaal uu goor dhow soo dhigay barta uu ku leeyahay shabakadda bulshada ku wada xiriirto ee Facebook.