Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhagajuun ayaa xalay saqdii dhexe lagu dilay magaalada Muqdisho kaddib rasaas ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ku fureen gaari uu la socday.
Guddoomiye Cabdixakiin ayaa saacado uun ka hor geeridiisa dalka dib ugu soo laabtay isaga oo yimid dalka Turkiga oo looga soo dayeeyay dhaawacyo ka soo gaaray qarax sanadkii hore lala eegtay gaari uu la socday.
Gaariga uu la socday guddoomiyaha ee rasaasta lagu furay ayaa xiligaa marayay degmada howlwadaag gaar ahaan agagaarka Jid Mareexaanka.
Ma jiro wali wax war ah oo ay laamaha nabadgalyada dowladda Soomaaliya ka soo saareen dilka guddoomiyihii degmada Hodan.
Dhanka kale War-Saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa waxaa looga tacsiyadeeyay dilka Guddoomiyihii Degmada Hodan Cabdi Karim Dhegajuun, iyada oo Hay’adaha Amniga la faray inay si deg deg ah inay baaris rasmi ah ku sameeyaan dhacdadaan.
Sidooo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Guddi ka kooban 7 Xubnood oo ka tirsan Maamulka Gobolka u saaray Aaska Meydka Guddoomiyihii degmada Hodan.
Hoos Ka Akhriso Wareegtada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) iyo dhamaan Madaxda Sare ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, waxa ay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii, Qaraabadii, Saaxiibadii iyo Bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha U naxriisto Guddoomiyahii Degmada Hodan Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun).
Marxuumka ayaa Habeenkii xalay abaarihii 2dii iyo daqiiqado lagu dilay inta u dhaxeysa Isgoyska Howlwadaag iyo Isgoyska Jidka Aadan Cadde, kadib markii ay is-rasaaseen dhex martay ciidan halkaasi ku sugnaa, waxaana dhacdadaasi ku dhaawacmay labo askari oo ilaaladiisa ka mid ahaa, kuwaasi oo eebe loogu baryayo in uu caafimaad deg deg ah siiyo.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho waxa uu faray dhamaan Hey’addaha Amaanka ee Gobolka Banaadir in baaris rasmi ah lagu sameeyo dhacdadaasi si loo helo cadaalad, la iskulana xisaabtamo Mas’uuliyadda shaqaaqada uu ku geeriyooday Allaha u Naxristo Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun).
Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxa uu si deg deg ah u Magacaabay Guddi isu-duwa kana shaqeeya Aaska iyo Tacsida Marxuumka.
1- Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud “Caana-booro” (Guddoomiyaha Guddiga)
2- Mukhtaar Maxamed Cali (Dhaga-Cade)
3- Muuse Cali Eybakar
4- Saalax Xasan Cumar
5- Yaasiin Cismaan Jimcaale
6- Seynab Maxamuud Xaabsey
7- Mustaf Cali Kheyre
Guddigaan ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho farayaa in sida ugu haboon loo maamuuso, Tacsida iyo Aaska Allaha u naxriisto Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun).
Innaa lillaah wa innaa illeehi raajicuun.