Ururka Caafimaadka Aduunka ee marka la soo gaabiyo la yirahdo WHO ayaa sheegay in talaalaka Jaamacadda Oxford – ee AstraZeneca ee xanuunka COVID-19 uu badbaadin karo nolosha dad badan, waxayna ku talisay hey’addu in loo iscticmaalo Africa, xitaa muunadda cusub ee xanuunkan ee Qaaradda wareegaya.
WHO waxay sheegtay in 3.7 malyuun oo qof uu xanuunkan ku dhacay ku dhawaad 100 malyuun oo qofna ay u dhinteen.
Shirkadda talaalkan samaysay ayaa la filayaa in ay soo saarto laba milyan oo irbadood oo talaalkaas ah dhamaadka sannadkan.
Howshan ayaa lagu tilmaamay mid qeyb ka ah dadaalka loogu jiro waxa loogu yeeray “tallaal dadka oo dhan anfaca”.
Guud ahaan dunida waxaa ka socda tartan ay cilmibaareyaasha iyo seynisyahannada ugu jiraan sidii dawo loogu heli lahaa cudurka safmarka ah ee faraha ba’an ku haya caalamka, ee Covid-19.
Si kastaba ha ahaatee, saynisyahannada ayaa sheegaya inay muhiim tahay in Afrikaanku ay ka qayb qaataan tijaabooyinkan, iyagoo ku doodaya inay xagal daacin karto dadaallada lagu doonayo in lagu helo tallaal ka shaqeeya guud ahaan aduunka – oo aan u gaar aheyn dalalka hodonka ah.