Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa maanta qaabilay xubno ka socda wakiilada beesha caalamka iyaga oo ka wadahadlay khilaafka ka taagan doorashada lagu waddo in ay dalka ka dhacdo.
Gaar ahaan kulanka ayaa inta uu socday diirada lagu saaray dardar gelinta iyo dhammeystirka arrimaha doorashooyinka dalka, si waafaqsan heshiiskii 17-kii September,2020 iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Magaalada Baydhabo.
Kulanka ayaa marka la eego qeyb ka ah kulamo xiriir ah oo wakiilada beesha caalamka la lahaayeen maalmihii ugu danbeeyayba dhinacayada isku haya arrimaha doorashada, iyaga oo dhawaan shir kula qaatay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho madaxda dowlad gobolleedyada.
Dhamaan kulamadan socda ayaa u gogol xaaraya shirweyne la doonayo in madaxda federaalka iyo kuwa maamul gobolleedyada wadajir isugu yimadaan si go’aan kama danbeys ah looga gaaro doorashada dalka.