Guddoomiyihii guddiga xalinta Khilaafaadka doorashooyinka heer federaal Cabdulaahi Abyan Nuur ayaa caawa ku geeriyooday isbitaalka Martini ee magaalada Muqdisho.
Geerida Cabdulaahi Abyan Nuur ayaa saxaafada waxaa u xaqiijiyay xubo ka mid ah guddiga Xalinta khilaafaadka.
Cabdulaahi Abyan Nuur ayaa ku geeriyooday isbitaalka Martini oo ah isbitaal badanaa lagu daweeyo dadka uu soo rito cudurka Covid 19 oo maalmihii la soo dhaafay ay sii kordhayeen dadka uu soo ridanayo.
Xubin ka mid ah guddiga oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa u xaqiijiyay in guddoomiyaha uu maalmahii dambe xanuunsanaa.