Kulan Looga Hadlay Dardargelinta iyo Horumarinta Waxbarashada ee Degmada Baraawe caasimada koonfur galbeed oo si fiican loogu dooday qaab awood qaybsiga gobalka shabeelaha hoose.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Maxamed Cismaan Xaaji Jiidow, oo uu wehelinayay Guddoomiyaha Degmada Baraawe, ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada degmada, oo ay ka mid yihiin odayaasha dhaqanka, waalidiinta, macallimiinta iyo dhallinyarada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo dardargelinta horumarinta waxbarashada, iyadoo laga wada hadlay sidii loo samayn lahaa isbeddel wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo tayada waxbarashada iyo sidii loo abuuri lahaa jawi waxbarasho oo wanaagsan.
Ka qaybgalayaashii kulanka ayaa si wadajir ah u muujiyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta Wasaaradda Waxbarashada, bulshada, waalidiinta, macallimiinta iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso waxbarashadu, si loo gaaro horumar waara.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu adkeeyay doorka muhiimka ah ee waalidiinta, odayaasha dhaqanka iyo dhallinyarada ay ku leeyihiin horumarinta waxbarashada, ilaalinta ardayda iyo dhiirrigelinta jiilka cusub.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay dardargelinta waxbarashada, sare u qaadista tayada waxbarashada iyo sameynta isbeddel muuqda oo waxtar u leh bulshada, gaar ahaan carruurta iyo dhallinyarada.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-tashiga bulshada iyo Wasaaradda, si loo helo qorshe mideysan oo lagu horumarinayo waxbarashada Degmada Baraawe iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.

