Guddiga Maaliyadda, Ganacsiga iyo Qorsheynta ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Wasaaradda Maaliyadda Koonfur Galbeed, halkaas oo ay kulan kula yeesheen madaxda Wasaaradda.
Booqashada oo uu hoggaaminayay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, Xildhibaan Ibraahim Cumar Cali, ayaa waxaa ka qaybgalay Xoghayaha Guddiga, Xildhibaan Raxma Abuukar Saalax, iyo xubnaha kale ee Guddiga.
Ujeeddada booqashada ayaa ahayd in Guddigu xog-ogaal u noqdo habsami-u-socodka howlaha Wasaaradda iyo xaaladda guud ee maaliyadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa ka wada hadlay halka ay marayso dhaqangelinta miisaaniyadda sannadka 2026, xaaladda dakhliga iyo canshuuraha Dowlad Goboleedka, caqabadaha jira iyo dadaallada lagu horumarinayo ururinta dakhliga gudaha.
Sidoo kale, kulanka ayaa diiradda lagu saaray diyaarinta miisaaniyadda sannadka 2027 iyo qorshayaasha maaliyadeed ee Wasaaradda horyaalla.
Ugu dambeyn, Guddiga ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqaynta Golaha Wakiillada iyo Wasaaradda Maaliyadda, gaar ahaan dhinacyada hufnaanta maaliyadeed, isla-xisaabtanka, kormeerka dhaqangelinta miisaaniyadda iyo horumarinta maamulka maaliyadda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.








