
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti ayaa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA) u sheegay in dalkiisu uusan awood u lahayn inuu kaligiis qaabilo kumannaan qaxooti ah oo ka soo cararaya dagaallada dib uga soo cusboonaaday dalka Yemen.
Wasiirku wuxuu sheegay in xaaladda ka taagan Yemen ay keeni karto in dad badan ay badda ka soo gudbaan, iyagoo raadinaya meel ammaan ah oo ay ku noolaadaan, taas oo cadaadis dheeraad ah saareysa adeegyada iyo kheyraadka D. Jabuuti.
Jabuuti ayaa muddo dheer martigelinaysay qaxooti Yemeniyiin ah, gaar ahaan kuwa ka soo gudba Badda Cas, iyadoo xeryaha qaxootiga ay wajahaan caqabado la xiriira caafimaadka, cunto, biyo iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah.
Wasiirka ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay kordhiso taageerada dhaqaale iyo midda bani’aadannimo ee la siinayo Jabuuti, si dalka uu u sii wado caawinta dadka ka cararaya colaadaha Yemen.
Qaramada Midoobay iyo hay’adaha gargaarka ayaa hore uga digay in sii xumaanshaha xaaladda Yemen uu kordhin karo baahida bani’aadannimo iyo tirada dadka barakacaya.
Jabuuti waxay sheegtay in iskaashiga caalamiga ah uu muhiim u yahay sidii loo ilaalin lahaa nolosha iyo badqabka qaxootiga, iyadoo aan culeyska oo dhan lagu koobin dalalka deriska ah ee qaabilaya dadka colaadaha ka soo cararaya.
