Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa manta Ansixiyay qaraarka dib u eegista Kharashaadka Dowladda ee bilihii Janaayo ilaa May ee sanadkan 2015 kaasi oo uu soo diyaariyay Guddiga Maalliyadda, qorsheynta, miisaaniyadda iyo la xisaabtanka hay’daha dowladda.Qaraarkan ayaa waxaa ogolaaday oo Ansixiyay 140, waxaana ka soo horjeestay oo diiday hal Xildhibaan, mana jirin Xildhibaano ka aamusay.
Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar o kulanki Maanta Shir gudoominaayay ayaa ku dhawaaqay natiijada.
Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar o kulanki Maanta Shir gudoominaayay ayaa ku dhawaaqay natiijada.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu hor dhaariyay Wasiirrada kala ah:- Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo horey u ahaa Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiyey dalka Turkiga oo loo dhaariyey in uu noqdo Wasiirka Tamarta iyo Biyaha iyo Eng C/rashiid Maxamed Axmed oo loo dhaariyey in uu noqdo Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale kulankii Baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa Xildhibaannada loogu qeybiyey Mashruuc sharci oo ku saabsan ilaalinta Badqabka Dhulka iyo Xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayadoo sharciganna sameyntiisa ay ka dambeysay doodihii Baarlamaanka uu ka yeeshay Xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo kenya.