Muqdisho(WRB)
Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Somaliya ayaa sheegay maanta Magaalada Muqdisho inuu ka dhacaayo Banaanbax ballaaran oo lagu taageeraayo Dowladda Turkiga.
Banaanbaxan ayaa waxaa isugu imaanaya Bulsho ka imaanaysa 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir, waxaana ay muujin doonaan sida ay kaga xun yihiin afgambiga fashilmay ee Dowladda Turkiga lala damacsanaa.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane, ayaa sheegay in dadka Somaliyed ay garab taagan yihiin shacabka Turkiga.
“Banaanbaxan wuxuu ku saleysan yahay oo maanta shacab weynaha Somaliyed ee Xamar degan isugu soo banaanbaxayaan oo fagaaraha waaweyn ay isugu imaanayaan iyadoo aanan qof ka hareyn, waxa ay aad iyo aad uga xun yihiin arintii ka dhacday dalka Turkiga aad ayeey uga soo horjeedaan, shacabka Somaliyed waxay aad u taageersan yihiin Dowladda Turkiga oo walaalo gaar ah la leh Umadda Somaliyed, waxaan u soo baxeynaa Jiritaanka Dalka Turkiga.”Ayuu yiri Xalane.
Dowladda Turkiga ayaa si gaar ah waxa ay saameyn ugu leedahay dalka Somaliya, maadaama door muuqato ay ku leeyihiin arimaha ku aadan taageerada Dowladda.
Banaanbaxan maanta ka dhacaya Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka qaybgalaya xubno ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya.
W/Q:Wariye Siidcali Muuse Maxamed )ateera)