Xukuumadda Masar ayaa siidaysay tahriibayaal Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsiyo kuyaalla waqooyiga dalka masar .
Tirada dadka la siidaayey ayaa lagu sheegay in ay gaarayaan 30 qof oo isku jira rag iyo dumar ,waxaana la sheegaya in 10 ka mid ah dumar yihiin halka 20 kalana ay rag yihiin.
Dadka ayaa la sheegay in qaarkood ay muddo ku dhow 11 maalmood ku xirnayey xabsiyo ee kuyaalla waqooyiga dalka Masar.
Dadka la siidaayey ayaa la sheegay in qaarkood laga soo dhex qabtay magaalada Qaariha ee Caasimada Dalka Masar.
11 maalmood ka hor ayey ciidamada dalka waxay bilaabeen howlgal ay kusoo qabqabanayaan Soomaalida doonaysa in ay kaga gudbaan dalka masar dhanka wadamada qaarada yurub.
Soo deynta dadkaan ayaa la sheegay in ay gacan ka geystay hay’adda qaxootiga Aduunka ee UNCHR waxaana la sheegay in ay dowlada Masar ka codsatay in lasii daayo dadkaan muhaajiriinta ah.
inka badan 100 qof Soomaali ah ayaa wali la aaminsanyahay in ay ku xiranyihin xabsiyo kuyaala dalka masar gaar ahaan xabsiga lagu magacaabo Alqanaadi.