Magaalada baydhabo maanta waxaa lagu qabtay munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ee Naafada Aduunka oo sanad walba laga xuso aduunka 03-da December, waxaa laga hadlaa dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Munaasabadan oo soo qaban qaabisey wasaarada gargaarka iyo ka hortaga masiibooyinka kgs waxaa ka soo qeyb galay Masuuliyiin ka socotay maamulka koonfur galbeed oo uu ugu horeeyo kusimaha madaxweynaha maamulka wasiir ku xigeenka wasaarada gargaarka iyo ka hortaga masiibooyinka xubno ka socdey beesha caalamka iyo ururka naafda gobolka baay ,
Shekh mukhtaar waa gudoomiyaha ururka naafada gobolka baay waxaa uu ka sheekeeyey baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan naafada ku dhaqan gobolka baay
Wasiir ku xigeenka wasaarada gargaarka iyo ka hortaga masiibooyinka kgs binti ibraahim ayaa sheektey in wasaarada gargaarka ay tahay mid cusub oo dhawaan ku soo biirtey wasaaradaha kgs wax badana ka qaban doonto dhibaatada naafada heysta
Maxamed xasan fiqi kusimaha madaxweynaha ayaa waxaa uu ku dheeraadey muhiimada maalintani wuxuuna hambalyo u direy dhamaan naafada aduunka gaar ahaana kuwa koonfur galbeed,
2017
DHAGEYSO:-FADIILATU SHEIKH XASAN GAAB CASHARKA 19AAD TAFSIIRKA QURAANKA KARIIMKA AH JIMCO
FADIILATU SHEIKH XASAN GAAB CASHARKA 15AAD TAFSIIRKA QURAANKA KARIIMKA AH AYAA KALA SOCONDOONTAAN MAALIN WELBA FADLAN HA ILAABIN WALAAL INAAD SAARTO ✔ SUBSCRIBE ✔ SHARE ✔ LIKE ✔
SI DAA NOODHIIRA GILISO SHEQADAAN HAYNO
HOOS KA DHAGEYSO TAFSIIRKA
Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa waxaa lagu soo gaba-gabeeyay shir ay ka qeyb galeen qaar ka tirsan wadamada Bariga Africa, kaasi oo dalkaasi ka socday mudo Todobaad ah.
Shirkan ayaa wadamada ka qeyb galay waxaa ka mid ah Soomaaliya, Jabuuti, Kenya, Tanzania, Uganda, Yemen, Suudaan, Itoobiya iyo wadamo kale oo ka tirsan Bariga Afrika, waxaana dhinacyadii ka qeyb galay ay isla meel dhigeen qodobo dhowr ah.
Mahdi Yuusuf Cumar oo la Taliye u ah wasiirka Garsoorka Jabuuti oo VOA-da uga waramay waxyaabihii looga hadlay shirkan ayaa wuxuu sheegay shirkan in si gaar ah diirada loogu saaray xoojinta iskaashiga wadamada Bariga Africa, ka hortagga Argagixisada iyo qodobo kale.
Wuxuu sheegay xubnihii ka qeyb galay shirkan in si gaar ah ay u falanqeeyeen arrimaha Argagixisada, waxayna qireen in Argagixisada ay tahay awood jirta, loona baahan yahay sidii looga hortagi lahaa.
Shirkan ayaa noqonaya shirkii labaad oo markale lagu qabto dalka Jabuuti, waxaana uu yahay mid mudo kadib lagu qabto wadan ka mid ah wadamada Africa.
Wararka ka imaanaya dalka Yaman ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee dalkaasi Cali Cabdalla Saalax lagu dilay dagaal uu Xuutiyiinta kula galay magaalada Sanca.
Telefishin ay Xuutiyiinta maamulaan oo lagu magacaabo al-Masirah ayaa baahiyay muuqaalka nin wasiirka arrimaha gudaha lagu sheegay oo shaacinaya in “la afjaray dhibaatada maliishiyada khiyaanada qaran sameysay, lana dilay hoggaamiyahooda”.
Dad ka tirsan xisbiga Mr Saalax ayaa sidoo kale xaqiijiyay geeridiisa, sida uu baahiyay TV-ga Al-Carabiya.
Sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada waxay muujinayaan maydka qof u eg saalax oo dhaawacyo xun ay ka gaareen madaxa.
Xisbiga siyaasadeed ee uu ka tirsan yahay ayaa beeniyay in la dillay xilli hore, ka dib markii kooxda Xuutiyiinta ay qarxiyeen gurigiisa ku yaalla caasimadda Yaman ee Sanca.
Wixii ka horeeyay isbuucii tagay, taageerayaasha Cali Cabdalla Saalax waxay la safnaayeen ururka shiicada ah ee Xuutiyiinta, waxayna dagaal kula jireen dowladda Yaman ee Sucuudiga uu taageero.
Madaxweyne Cabdrabbuh Mansuur Haadi oo la doortay ka dib markii Saalax xilka looga tuuray kacdoon ayaa xarun ka dhigtay Sacuudiga.
Balse khilaaf siyaasadeed iyo muran dhanka maamulka ee masaajidka wayn ee ku yaalla meesha mucaaradka ay maamulaan ee Sanca ayaa sababay dagaal culus oo oo dhexmaray taageerayaasha Cali Cabdalla Saalax iyo maleeshiyada Xuutiyiinta.
- Cali Cabdalla Saalax iyo Xuutiyiinta oo dagaallamaya
- Xulafada Sacuudiga oo soo dhoweeyey Cali Cabdalla Saalax oo dagaal kula jira Xuutiyiinta
Ugu yaraan 125 qof ayaa ku dhimatay, 238 kalena way ku dhaawacmeen dagaalka oo socday tan iyo Arbacadii la soo dhaafay.
Sabtidii, Saalax wuxuu ku baaqay “in bog cusub la furo” oo uu taageerayo Mr Haadi, haddii isbeheysiga Sacuudiga uu hoggaaminayo ay joojiyaan weerarka Yaman iyo xannibaadda xun ee ay ku hayaan.
Isbeheysiga iyo dowladda Cabdurabah Mansuur Haadi ayaa soo dhoweeyay hadalkaasi. Balse, Xuutiyiinta waxay Saalax ku eedeeyeen in uu “afgembinayo” isbeheysi “uusan weligii aaminin”.
In ka badan 8,670 qof ayaa lagu dilay, 49,960 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka bilowday ka dib markii isbeheysiga Sacuudiga uu farageliyay Yaman sannadkii 2015-kii, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.
Dagaalka iyo go’doominta ayaa sababay 20.7 milyan oo qof in ay si adag ugu baahdaan gargaar bini-aadamnimo. Arrintaas ayaa lagu tilmaamay in ay tahay cunta la’aanta ugu xun Caalamka, waxaana ka dhashay daacuun dilay 2,211 qof, tan iyo bishii April.
{WARSANRADIO} Barnaamijka Kulanka Warsan Waxaa Soo Saarey Wariye Maxamed Aadan C/lahi (socdaal) Waxaa Soo Jeedin Dono isla Wariye socdaal Dhageeysi wanaagsan
Akhriso+sawir:-Madaxweyne Maxamed Farmaajo “Waxaa naga go’an in aan ugu wada xisaabtanno qorshayaasha iyo hawlaha aan ku heshiinno”
{WARSANRADIO}Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleystay fulinta qorsheyaashii Lix biloodlaha ahaa ee ay higsaneysay muddadii koobnayd ee ay jirtay.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey Shirweynaha Muqdisho oo ay ka soo qeyb galeen ku dhawaad 30 dowladood oo saaxiib la ah Soomaaliya, Saraakiil ka socotay Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay, Madaxda dalka heer Qaran iyo heer Dowlad Gobolleed ayaa tilmaamay sida ay uga go’antahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay sii amba-qaaddo qorsheyaasha horumarineed ee loo jeexay sannadka cusub ee 2018ka.
“Siddeed bilood ka hor, markii aan Xafiiska qabannay waxaan qorsheynay hiigsi lix biloodle ah oo ku aaddan sidii aan u yagleeli lahayn hannaan isbadel oo ku dhisan daah-furnaan, kobcinta dhaqaalaha, xoojinta ammaanka iyo xakamaynta musuq-maasuqa. Si taas loo gaaro waxaan guda galnay diyaarinta sharciyadii nagu hagi lahaa arrinkaas oo ilaa haatan waxaan u gudbinnay Baarlamaanka sharciyo gaaraya 15 Sharci, halka Toban kalena ay qabyo yihiin.”
Madaxweynaha ayaa sheegay in sharciyada la horgeeyey Baarlamaanka ay asaas u yihiin tiirarka dowlanimada maadama ay ku saabsanyihiin dhinacyo muhiim u ah nolasha shacabka sida Sharciga Isgaarsiinta, Shaciga la-dagaalanka Musuq-maasuqa, Sharciga la-dagaallanka argagixisada iyo Sharciga maamulka Lacagta Dowladda.

Akhriso:-Dowlada Soomaaliya iyo Maraykanka kala saxixiday heshiis ku kacaya 300 malyan oo dollar
{WARSANRADIO}Hey’adda (USAID) oo wakiil ka ah Mareykanka ayaa heshiis horumarineed oo taariikhi ah la saxiixatay Soomaaliya, Heshiiska oo loogu magacdaray (DOAG) ayaa saxiixiisa waxaa goobjoog ka ahaa ra’isul wasaare Xasan Kheyre, Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed iyo Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle.
Dhanka Mareykanka waxaa joogay ku xigeenka USAID ee qaarada Afrika Julie Koenen iyo safiirka Mareykanka Martin Dale.
Heshiiskan waxaa uu ka dhigan yahay kii ugu horeeyay ee labada dhinac ay galaan muddo 30 sano ka badan waana barnaamijkan lagu xoojinayo dowladnimada Soomaaliya, xasiloonida iyo dimoqoraadiyadda.
Waxyaabaha dowladda federaalka laga taageerayo waxaa ka mid ah dowlad wanaagga, maamulka, waxbarashada, kobaca dhaqaalaha iyo howlaha lagu horumarinayo nabadda iyo xasiloonida dalka. Howlaha uu heshiiska dhigayo waxaa la fulinayaa iyada oo ay ka wada shaqeyn-doonaan dowladda federaalka ah.
“Dowladda Mareykanka, waxaa ay aad u taageereysaa dadaallada xukuumadda Soomaaliya ee lagu soo celinayo xasiloonida, dowlad wanaagga, kobaca dhaqaalaha iyo waxbarashada” sidaa waxaa yiri Julie Koenen.
“ Waxaan rumeysanay in heshiiskan uu ka tarjumayo sida ay nooga go’antahay garab istaagista sidii ay Soomaaliya dib ugu soo noqon laheyd iyo in la helo hadaf horumarineed oo fog” sidaasi waxaa yiri Martin Dale isaga oo intaasi raaciyay ” Heshiiskan waxaa ay ka dhigan tahay iskaashi ballaaran oo dhex-mara Mareykanka iyo Soomaaliya, waxaan ballan-qaadeynaa in aan taageerno himilada shacabka Soomaaliyeed ay ku heli lahaayeen horumar”.
Wasiirka qorsheynta ee Soomaaliya Jamaal Maxamed ayaa sheegay in maanta uu goobjoog ka ahaa heshiis ay dalka Mareykanka 300 oo Milyan oo doolar la saxiixdeen, kaas oo loogu talo-galay in wax looga qabto horumarka Soomaaliya.
2011-kii, USAID waxaa ay in ka badan $1.3 billion ku qarash-gareeysay arrimaha banii’aadnimada iyo $328 million o arrimaha horumarka ah.
Heshiiskan ayaa imanaya toddobaad kadib markii ay dowlada Soomaaliya iyo dowlada Qadar ay kala saxixideen heshiis ku kacaya labo boqol oo malyan oo dollar.

{WARSANRADIO} Barnaamijka Kulanka Warsan Waxaa Soo Saarey Wariye Maxamed Aadan C/lahi (socdaal) Waxaa Soo Jeedin Dono isla Wariye socdaal Dhageeysi wanaagsan
Akhriso:- Xilliga la soo xirayo kulamada Guud ee Golaha shacabka oo la shaaciyay
{WARSANRADIO}Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa galaya fasax labo bilood ah, iyadoo la soo xiri doono kulamada guud ee Baarlamaanka, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Jawaari.
Guddoomiyaha Golaha shacabka Jawaari ayaa sheegay in 16-ka bishan la hakinayo kulamada guud, isla markaana fasax la geli doono.
Waxaa uu sheegay in ajandayaasha muhiimka ee u haray ay ka doodi doonaan illaa 16-ka bishan, xilligaasoo si rasmi ah loo soo xiri doono Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka.
Jawaari ayaa sheegay in marka la hakiyo kulamada Golaha shacabka ay tahay marka ugu shaqada badan tahay, isla markaana labada bilood ee fasaxa lagu maqan yahay Xildhibaan walba uu aadi doono deegaankii laga soo doortay.
Akhriso:- Madaxda dowlada, maamul goboleedyada iyo Guddiyada Dastuurka oo shir yeeshay
{WARSANRADIO}Shir looga hadlayay hanaanka dib u eegista Dastuurka ayaa xalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada, waxaa kulanka shir guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Golaha shacabka, Madaxda dowlad goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddiga Dastuurka madax banaan iyo Guddiga kormeerka arrimaha dastuurka labada Aqal.
Warbixin ku saabsan hanaanka dib u eegista dastuurka iyo halka uu marayo ayaa shirka laga jeediyay, iyadoo lagu wado in bisha Janaayo ee sanadka 2018 la qabto shirweynaha dib u eegista Dastuurka, kaasoo bishii hore dib u dhac ku yimid.
Ka hor inta aan la gaarin sanadka 2020 ayaa qorshuhu yahay in la dhameystiro Dastuurka, isla markaana afti loo qaado, si uu u noqdo dastuur loo dhan yahay.
Dib u eegista dastuurka ayaa ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee horyaalla dowladda Soomaaliya, iyadoo ay xukuumaddu u qoondeysay miisaaniyad lagu dhameystiro howlaha Dastuurka.







