Baydhabo(WMN)_G.maxamed sheekh c/laahi oo shir jiraa,id ku qabtey xaruunta taliska qeybta 60aad ee ciidanka xooga dalka somaliyeed ee magaalada baydhabo ayaa waxaa uu amaro duldhigey saraakiisha iyo askarta katirsan ciidanka qeybta 60aad ee ku sugan magaalada baydhabo.
Taliya ayaa sheegey ineysan marnaba ogolaan doonin in saraakiisha iyo askrta katirsan ciidanka militeriga ay iska joogaan magaalada ayagoona kasoo baxay furimaha dagaalka waxaana uu intaa ku darey in saraakiisha iyo askartaba loogu baahan yahay iney dib ugu laabtaan furimaha si loo dar-dar geliyo howlaha ciidanka horyaal.
warkan kasoo yeerey taliya ayaa waxaa uu imaanayaa kadib markii ay maata dib ugu soo ruqaansadeen ciidamadii dowlada ee ku sugnaa deegaanka goof gaduud buurey oo baydhabo dhanka waqooyi 30KM ugu beegan.
Halkan Hoose Ka Dhageyso.