Berdaale(WMN)_Si loo helo waddooyin tayeysan oo ay isticmalaan gadiidka iyo dadka adayaan garoonka diyaradaha ee degmada berdaale ee gobolka baay ayaa maamulka degmada iyo shacab oo ay iskashanayaan ayaa waddooyinka ugu muhiimsan ee adayaan garoonka ayaa waxay si isxilqaan ah ay ku bilaawen in waddooyinkaasi ay ka nadifiyaan dhagxaanta iyo geedka cali garoobka loo yaqaano oo si aad ay ugu baxey waddooyinkaasi.
Weli waxaa si habsami usocodka degmada berdaale ugu socdaan dadaalo lagu doonaayo in degmada berdaal ee gobolka baay ay yeelato garoon diyaaradeed oo lamid ah kuwa ku yalaan gobolada kale ee dalka.
Degmda berdaale ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka weli waddooyinkeeda ay u godoosan yihiin kooxda al shabaab mudo sanodo ah, waxaana kaliya mararka qaar istimalaan ciidamada wadtaan gadiidka gashaaman.
Maamulka degmada berdaale maxamed isaaq (Cara case) ayaa shacabka iyo ciidamada ugu mahadnaqey sida hagar la’aanta ah ay ugu shaqeynayaan sidii degmadooda ay u heli laheyd garood diyaaradeed oo casri ah.
“ka maamul ahaan waxaan si aad ah u dhiira galinayaa shacabka degmada berdaale oo gacan ay kahelayaan maamulkooda iyo ciidamada in ay si weyn ugu qeyb qataan dhismaha lagu waddo garoonka diyaaradaha degmada berdaale iyagoo ka dulayaan in ay garoonkooda ay si nabad ah ugu soo degato diyaarad wax usida shacabka ama ciidamadooda kala duwan ayuu yiri’ gudoomiyaha degmada berdaale Maxamed Isaaq (Cara case).
Sidoo kale gudoomiye Cara case ayaa tani ku timaamay in ay tahay isku xirnaanta maamulka’ shacabka iyo ciidamada kala duwan in ay ga go’antahay mar weliba inay kashaqeyaan horumarada iyo amniga guud ee degmada berdaale iyo degaanada kale ee ka tirsan, waxaana baaq udiray dowlad goboleedka koonfur galbeed gaar ahaan wasaarada gadiidka circa iyo dhuulka inay wax ka qabtaan dadaalada ay shacabka iyo maamulka degmada berdaale ay ku donayaan in degmada ay yeelato garoon diyaaradeed.
BY; Wariye Siid Cali Muuse (Ateera)