Waajid(WMN)_Waxaa lagu wargaliyay dadka danyarta ah ee ku nool degmada waajid ee gobolka bakool iyo boqolaal kale oo barkac ku ah degmada in ay hakadeen sanadkaan sii dhamanayaa hay’adihii ay kaheli jireen lacagta kaashka ah iyo raashiinkii, waxaana rajadu ay tahay in lasugo bilowga iyo bilaha ugu horeyaan ee sanadka cusub 2020 in ay hay’adaha mar kale dib ay u bilaawi donaan deeqsiinta dadka danyarta ah iyo kuwa barkacyaasha ah ee kusugan degmada waajid sida uu xaqiijiyay Aadan Xasan Axmed oo ah gudoomiyaha labaad ee arimaha bulshada degmadaasi.
Gudoomiye Aadan Xasan Axmed ayaa waxaa uu sheegay in hay’adaha qaar sanadkii lasoo dhaafay si fiican ay ugu qeyb gaadanin gar gaarka loo fidinaayo shacabka waajid ku nool.
Hay’adaha (NGO) yada ah ee ka howlada degmada waajid waxaa kamid ah hay’ada ACF oo dadka siisa lacago kaasha kuwa ku nool degmada waajid oo danyarta ah iyo barkacyaasha.
Hay’adaha kale ee Intersos iyo Gredo waxay kamid yihiin hay’adaha bixiyaa rashiinka iyo adeegyada kale Aadan Xasan ayaa sheegay in kastoo wax weliba ay gabaabsi ay yihiin waana lagu soo wargaliyay ayaa hadana waxaa uu sheegay in dadkaani xaaladooda ay adkaan karto haday wayaan gaar gaarkii ay ka heli jireen hay’adahaani.
`Degmada waa degmo godoonsan dhuul daaqsinkii waxaa ku habsaday ayax degmada waxaa kusugan dad aad u tira badan oo ka imadeen degaanada qaar ee koonfur galbeed iyo degmooyinka ay kamid ka yihiin Doolow iyo luuq oo ka tirsan gobolka dego intoodaba waxay u baahan yihiin xiligaani kaalmo bini’aadinimo ah” Ayuu yiri gudoomiyaha labaad ee arimaha bulshada degmada waajid Aadan Xasan Axmed.
Dadka barkacyaasha ah ee mudada sanadad ah ee kusugan ama ay ku dhibaataysan yihiin degmada godoonsan ee waajid ayaa waxay sanado kahor degmada waajid ay usoo gareen ay degaanadooda ugu soo barkaceen siyaabooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin abaar sameysay beerahooda iyo xoolahii ay dhaqan jireen iyo kuwo kale oo kasoo carareen kooxda al shabaab oo dhibaatayn jireen.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in rashiinka lasiya dad shabaabka ay kagubaan udidaan kaararka lacagta ugu soo dhacdo sidaasi darteen ayuu gudoomiyaha ku sheegay in dadkaani ay soo raadsadaan nolal midaasi kaduwan.
Dhanka kale sanadaha nagu soo aadan hadii wax isbedel ah ugu dhicin ’hay’adaha ka howlgalaan degmada waajid hoos ay udhacaan caawinaadooda’ maamulka KG iyo dowlada federaalka soomaaliya ay ka amusaan xaalada adag ee ay ku jiraan dadkaani waxaa laga yabaa in degmada waajid ay ka dhacdo abaartii 1991 ee ka dhacday dalka soomaaliya dadka iyo duunyadana ay baaba’idonaan.
W/Q: Wariye Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera) Xafiiska Wararka Warsanradio.com Ee Baydhabo.