Xudur(WMN)_Beeraleyda gobolka bakool ayaa raja xumo ka muujiyey dalaqii sanadkaan ay ka filayeen beeraha sababtuna ay tahay ayaxii oo inta badan latagay waxyaabihii cagaarka ahaa oo beeraha ku yaleen.
Si aan wax badan uga ogaano saameynta ayaxa uu ku reebey dhul beereedka gobolka bakool ayaan kawareysanay Cabdi Cali Isaaq oo ka mid ah odayaasha degmada xudur ee xarunta gobolka bakool oo xog badan kahaya xaalada beeraleyda degaanada ka tirsan degmada xudur.
Cabdi Cali Isaaq ayaa dowlada FS iyo dowlad goboleedka koonfur galbeed ugu baaqay in ay arintaan ay wax kaqabtaa, wuxuuna sheegay in ayaxaan loo dhaliilsan Karin inta hada ay ka arkeen.
Wariye Maxamed Xasan Cabdiraxmaan Awgooni oo kusugan degmada xudur ayaa Cabdi Cali Isaaq ka wareystay arimahaasi iyo arimo kale oo la xariira dadka barkacyaasha ah eek u sugan degaanada ka tirsan degmada xudur.
Halka Hoos Ka Dhageyso Wareysiga.