Baydhabo(WMN)_ Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka baay lagu qabtey kulankii isbuuclaha ahaa ee isugu imanayeen laamaha Amniga degaanada konfur galbeed, waxana shir gudoominaayey wasiiraka wasaarada Aminga gudaaha dowlad goboleedka koonfur galbeed Mudane Isaaq Ali (subag)
Waxaana ka soo qeyb galey taliyo ku xigeenka ciidanka xooga dalka qeybta 60, Aad taliyaha ciidanka daraawiishta koonfur galbeed iyo taliyaha booliska koonfur galbeed iyo saarakiil kale.
Shirkan inta uu socday waxaa loogu hadlay xoojinta amniga guud ee degaanada KG waxyaabaha laga soo saarey ayaa waxaa ka mid ahaa Awaamiirta ciidanka isticmaalo daroogada iyo weliba kuwa ciyaara qamaarka.
Sidoo kale waxaa warbixino ku saabsan amniga guud ee degaanada Kg laga dhageystay saraakiisha, taliyaasha ciidamada iyo taliyaha NISA ee degmada baydhabo, waxayna shegeen in lisku haleyn karo aniga degaanada kg, waxaana isku xiran shacabka iyo ciidamada waxaan ka dhexeyaa xiriir aad u wanaagsan iyagoona mararka qaar ay soo gudbiyaan waxyaabaha la xiriira amniga iyo sidii looga hortagi lahaa kooxda al shabaab oo dhibaato weyn ku hayaan shacabka soomaaliyeed gaar ahaan shacabka degaanada KG.
Wasiirka wasaarada Amniga koonfur galbeed Mudane Isaaq Ali (Subag) ayaa kadib markii uu saraakiisha iyo taliyaasha uu ka dhageystay waxbixinada ku saabsanayeen amniga guud ee degaanada KG iyo guulihii laga gaaray isbuucaan kooxda al shabaab oo laga saaray degaano katirsan gobolka sh/ hoose ayaa waxaa uu u mahadceliyay dhamaan saraakiisha taliyaasha ciidamada kala duwan iyo shacabka Kg oo fahmeen waajibaadka kasaaran lashaqeynta ciidamada Iyo ladagaalanka Kooxda Al shabaab.
W/Q: Siid Cali Muuse (Ateera)