Baydhabo; WMN.Wasaarada caafimaadka ee dowlad goboleedka koonfur galbeed ayaa waxay duleedka magaalada baydhabo gaar ahaan xaafada barwaaqo ee ku nolaal dad dar yar ah ama barkacyaal ayaa waxaa ka fulisay MCH oo looga talgalay hooyada iyo dhalaanka kaasi oo inta badan wax looga qaban doono dadkaasi degan new baydhabo.
Xarag jarkaani MCH ka ayaa waxaa kazoo qeyb galay wasiir kuxigeenka caafimaadka KG Mudane Cusmaan Muuse Cabdi gudoomiye kuxigeenka maaliyada degmada baydhabo Yuusuf Barre qaar kamid ah gudiyada kaamamka iyo bulshada kale eek u nool xaafada barwaaqo.
Ugu horeyntii xarag jarka MCH kaan ayaa waxaa ka hadlay muhiimada uu dadkaani uleeyahay mid kamid ah gudiga barkacyaasha magaalada baydhabo asigoo tilmaamay MCH kaan in wax badan uu ka bedeli doono baahiyaha xarun caafimaad ay u qabeen dadka ku nool xaafada barwaaqo.
Mudane Yuusuf Barre gudoomiye kuxigeenka maaliyada degmada baydhabo iyo wasiir kuxigeenka wasaarada caafimaadka koonfur galbeed ayaa waxay ka hadleen xarag jarka MCH kaan cusub ee wasaarada caafimaadka KG ee magaalada baydhabo ay ka hirgalisay waxayna shegeen in isbitaalkaani ka faideysan donaan bulshadii looga tala galay gaar ahaan kuwa ku nool xaafada barwaaqo.