Koox hubeysan oo la sheegay in ay gacan-saar la leedahay Ahlu sunna ayaa weerar ku qaaday saldhigga Booliiska Magaalada Guriceel Gobolka Galgaduud oo ay ku sugan yihiin Ciidamo katirsan Dowladda.
Weerarka oo goordhaw bilawday, waxa ay dadka deegaanka Mu
Warsan radio u sheegeen in koox hubeysan ay weerar ku qaaday Saldhigga, xili ay ku sugnaayeen saraakiil iyo Ciidamo katirsan DFS.
Waxaa jira Khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo labada dhinac kala gaaray, waxaana la maqlayaa rasaasta ay isweydaarsanayaan Ciidamada Dowladda iyo kooxda gacansaarka la leh Ahlu sunna.
Ilo wareedyo ayaa Mustaqbal u sheegay in weerarka lagu qaaday Saldhigga Guriceel ay hogaaminayaan saraakiil katirsan Ahlu Sunna oo horay ugu mid ahaa Maamulka Ahlu sunna kahor inta aan Ciidamada Dowladda loo gacan gelin Ammaanka.
Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel oo ay kuwa sugan yihiin Ciidamada Dowladda iyo Ahlu sunna, waxaa maanta ka socda iska hor imaad dhexmaraya, wali si dhab ah looma oga waxyaabaha sababay isku dhaca labada dhinac