Sheekadiisa, fikir dheer, wax tarkiisa iyo dhibaatada uu degaanka iyo bulshada u leeyahay uma baahno geedkaan maan dooriyaha ah ee qaadka.
Dalalka burbursan iyo kuwa hada soo korayaan waxaa looga isticmalaa si aad ah dalalka kale ee hormarsan ama ay ka jirto dowlad buuxda wuxuu ka yahay ama ugalaa si qarsoodi ah kontor baan, qofkii lagu arko wuxuu la kulmayaa ganaax lacageed iyo xarag mararka qaar naftiisa ayuu halis ugashaa.
Nafsiyan iyo mustaqbal ahaan ayuu usameyaa qofka isticmalo qaadka waxaa sii dheer in dalkiisa hoos u dhigaa dhaqaalaha iyo mustaqbal badan oo dhalinyarada ah.
In kastoo ay jiraan maandooriyaal kale oo kala duwan oo ay isticmalaan dhalinyarada hadii laga celiyo wadanka aama magaalada waxaa laga yabaa in laga ahaan karo lakiin in mudo ah laga yaabo in jirkiisa u baahado maalmo iyo ka badan bilooyin.
Marka laga hadlaayo dalka soomaaliya tan iyo dowladii dhaxe ee milaterigii dhalinyarada iyo shacabka kale waxaa caadi oo laqabsi ah u noqotay in ay isticmalaan maandooriye kasta sida sigaarka, xashiiska, koolada qamrada tubaakooyinka kala duwan mida ugu daran taabooda oo laga keeno dalka keynya iyo qaadka, qaadka wuxuu lamid noqoday wax laga ganacsado oo kamid yahay qudaarta lagu iibiyo magaalada xaafadaha iyo meelaha kale, waxaana loo canshuraa wax yaabaha kale loo canshuuro weliba asiga si gaar ah ayaa il gooni ah loogu fiiriyaa.
Dowladihii iyo maamulidii kala duwanaa isku deyo iyo dadaalo badan ay sameyeen waxaa loo waayay xal lagu xakameeyo iyadoo weli xaaladahaasi ay taagan yihiin oo la waayay si dalka laaga joojiyo qaadkii oo la ogaa dhibaatadiisa ayaa hadana waxaa kusoo kordhay oo sameyntiisana wadtaa cudur safmareen kusoo maray wadamadii awooda iyo dhaqalaha lahaa.
Markaan kahadalno wadamada qaarada afrika waxaa laga helay cudurka Coronovirus ama Covid 19 dadka u dhinteen cudurkaasi waxay kor u dhafayaan in ka badan nus milyan halka isbitaalada ay u yalaan tiro intaasi ka badan.
Wadan kasta wuxuu xirtay garoomadiisa iyo xuduudaha ee laga galo wadan kaasi si wadankiisa u gaarin cudurka, itoobiyaha iyo keynya waa labada dal ee hada soomaaliya qaadka looga keeno waxay kamid yihiin xitaa soomaaliya dalalka laga helay kiisas ku saabsan cudurka Covid 19 waxayna ku dhawaqeen iyo lajoojiyo duulimaadyada dalal kaani si looga hortago qatarta uu leeyahay cudurka Covid 19` Timirtii horeba dab loowaa” sheekadii mid ka duwan ayaa meesha kazoo baxday madaama lajoojin waayay qaadkii lala qabsaday oo dadka qaar nolashooda caadi ah ay ka dhigteen ayaa magaalooyinka qaar ee dalka waxaa laga dhaqan galiyay in uusan galin qaadka gobolada qaar ayaa lagu guban ay ka mid tahay Caasimada dalka ee muqdisho iyo magaalooyin kale.
Magaalada baydhabo ee xarunta gobolka baay majiraan wax ifafaalo ah oo ku aadan joojinta qaadka maalmo yar yar oo ay isku xig xigaan waxaa soo garaa gadiid ay saran yihiin qaadka waxaana laga kenaa dalka itoobiya wadada ayaa lasoo marsiyaa dulimaayada diyaaradaha oo la joojiyay waxaa meesha kabaxey qaadkii keynya marka laga yimaado qatartii looga digay shacabka soomaaliyeed maalmaha lakeeno magaalada baydhabo wuxuu ka sara marayaa marka loo eego qiimihiisa hore hal melood sedax jibaar midka hada lagu iibiyo magaalada baydhabo ( Rubicii Hore Waa 7 Dollar balse hada waa 30 Dollaar Asigoo ka sii xun iyo yahay mid qatartiisa ay lasocoto.
Muhiimada sheekadayda: Maamulada Gobolka Baay iyo midka Degmada Baydhabo ma awoodi wayeen amarka kazoo baxay dowlada faderaalka soomaaliya in amarkooda uu ka dhaqan gali waayay Magaalada Baydhabo maalmaha ay joojiyeen mise dano gaar ah ayaa laga leeyahay?
BY: Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera)