Gudigga ka hortaga Corona Virus ee koonfur galbeed oo oo kulan ku yesheen magaalada baydhabo ayaa waxay kaga hadleen sidii bulshada looga wacyi-gelinlahaa cudurka aduunka saameeyay ee covid 19.
Gudigaan oo ka kooban gole wasiiro,maamulada gobolada bay, bakool iyo sh/ hoose saraashiisha booliska iyo taliyaha qeybta 60 aad kulankooda ayaa inta badan waxay xooga ku sareen sidii loo badbaadin lahaa badqadka shacabka koonfur galbeed iyo sidii loogu hortagi lahaa cudurkaani, waxaana sidoo kale lisle soo hadal qaaday sidii baaritaano loogu sameyn lahaa dadka kasoo gala labada wadooyin ee kala ah degmada mandheera iyo mida ka imaada magaalada muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya madaama diyaaradihii lajoojiyay in wadooyinkaasi ay soo maraan sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka warfaafinta koonfur galbeed Xasan Cabdi Maxamed.
Sidoo kale Wasiirka warfaafinta koonfur galbeed Xasan Cabdi Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in maamulka degmada baydhabo iyo gudoomiyaasha gobolada bakool iyo sh/ hoose looga baahan yahay in ay soo ogadaan qiimaha ay jogaan maciishada rashiinka ganacsatada ay kala hadlaan in aysan qiimaha sare ugu qaadin.
Gudigga ka hortaga Corona Virus ee koonfur galbeed oo dhawaan lagu dhawaaqay ayaa waxay bilaween in bulshada ay ku wacyi-galiyaan Inay u hogaansamaan fariimaha iyo talooyinka ay soo jeedinayso wasaarada caafimaadka koonfur galbeed, waxaana maalmo kahor wasaarada caafimaadka koonfur galbeed kulan ay laqadatay maamuliyaasha xaruumaha caafimaad ee sida gaarka ah loo leyahay eek u yalaan magaalada baydhabo kulankaasi oo looga hadlaayay sidiii xaruumahaasi caafimaad ugu qeyb qaadan lahayeen wax kaqabashada iyo kahortaga faafitaanka cudurka covir 19 taasi oo codsi ahaan ay soo gudbisay wasaarada caafimaadka koonfur galbeed.
Maamuliyaasha xaruumaha caafimaad ee sida gaarka ah loo leeyahay ayaa iyagana dhankooda waxay soo jeediyeen in ay kaalintooda ay ka qadan donaan.
Tabiye: Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera)