Maamulka xiriirka kubada cagta ee koonfur galbeed soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in sedaxdii sano ee lasoo dhaafay in meel wanaagsan oo lataaban karo laga gaaray kubada cagta degmooyinka gobolada koonfur galbeed taasi oo uu ku tilmaamay in marka hore lagu guleystay in garoomada qaar laga hirgaliyo qolalkii nasiinyada, kuwii labis, xafiisyadii maamulka, musqulooyin iyo derbigii warega ahaa ee garoonka.
Si lamid ah Maamulka xiriirka kubada cagta ee koonfur galbeed ayaa waxaa uu sheegay in diyaar garow fiican loogu jiro hormarinta kubada cagta.
Garoomada kubada cagta ee kala ah Dr Ayuub oo Magaalada Baydhabo ah, Dr Waabari Degmada Xudur, Degmada Waajid Iyo kan Degmada Marko ee gobolka sh.hoose in ladhigo rooga cagaaray ee macamilka ah sida uu sheegay gudoomiyaha xariirka kubada cagta ee koonfur galbeed Axmed Cali Xasan (Axmed Doolar).
Sidoo Axmed Cali gudoomiyaha xariirka kubada cagta ee koonfur galbeed ayaa waxaa uu sheegay in horey tababaro loogu soo faa`ideeyay si xirfadooda kor loogu qaaday garsooriyaasha,maamuliyaasha iyo maclimiyaasha, waxaana uu sheegay in si lamid ah ciyaartoyda iyagana ay heli donaan tababaro lagu sii kordhinaayo fahankooda ciyaaraha lasiin doono.
Ugu dambeyntii gudoomiyaha xariirka kubada cagta ee koonfur galbeed Axmed Cali Xasan (Axmed Doolar) ayaa hormarkaani kubada cagta ee kajira degmooyinka koonfur galbeed ayaa waxaa uu ku sheegay in shacabka iyo ciyaartoyda sanad kasta ay fahmoyaan muhiimada iyo faa`idada ay leedahay kubada cagta, waxaana uu sheegay in sanadaha soo socdaan in hormar intaan kasii weyn laga gaari doono kubada cagta.