Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saartay falal kufsi ah oo ka dhacay deegaanka Janaale oo ay dhowaan la wareegeen Ciidanka xoogga dalka.
Kufsigan ayaa loo geystay labo haween ah, waxaana ku lug lahaa ciidan ka tirsan xoogga dalka, sida ay sheegayaan warbaahinta maxaliga ah.
War saxaafadeedka Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Maxkamadda Milateriga ay baaris ku wadaan kiiskaan, isla markaana cidii ku cadaata la marsiin doono ciqaabta ay mudan tahay.
Halkan hoose ka akhriso War saxaafadeedka:-