Madaxweynaha Donald Trump ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ku raad joogto warbixin aan la xaqiijinin oo tibaaxaya in faayraska uu ka soo fakaday shaybaadhkaasi.

Haddaba, maxaa ka jira arrintan?

Maxaa lagu yiri qoraallada la dusiyay ee Waaxda Arrimaha Dibedda

Wargeyska Wahington Post ayaa daabacay warbixin uu sheegay inuu ka helay ilo diblumaasiyadeed ee Mareykanka. Warbixintuna waxay sheegeysaa in 2018-kii, xubno ka socday diblumaasiyadda Saayniska ee dalka Mareykanka iney dhowr jeer booqdeen xaruumaha cilmibaarista dalka Shiinaha. Waxayna khubarada laba digniinood u direen Washington iyaga oo sheegay in badqabka sheybaarada aanan la isku halleyn Karin.

Si gaar ahna waxay walaac uga muujiyeen bad qab la’aanta ka muuqda machadka sheybaarka Virology (WIV) iyada oo ay khubaradu ku baaqeen inuu Mareykanka taageero u fidiyo.

Waxay sidoo kale khubarada diblamaasiyiinta Mareykanka ay xilligaa walaac ka muujiyeen in sheybaarka coronaviraska fiidmeerta uu keeni karo khatar cudur safmar oo la mid ah Sars. Wargeysku waxaa kale uu sheegay iney kooxdu wadahadallo qoto dheer ay dowladda Mareykanka kala yeesheen arrimaha sheybaarka WIV iyo sheybaarrada kale iney xiriir la yeelan karaan cudurka safmarka ee hadda socda iyo inkale.

Sida oo kale warbixin taa la mid ah waxaa baahiyey Fox News oo uu kaga hadlayo cudurka inuu sheybaarka ka soo fakaday.

Kiisaskii ugu horreeyey ee Cudurka Covid-19 wuxuu si tartiib ah uu u soo ifbaxay dabayaaqadi sanadkii hore iyada oo cudurkaasi lala xiriiriyey inuu ka yimid suuq cunnooyinka lagu iibiyo oo Wuhan ku yaalla. Inkasta oo taa loo badinaya haddana ma jirto wax caddeyn ah oo muujinaya in faayrsaka uu si aan ku talagal ahayn uga fakaday sheybaar.

Sheybaarradu tallaabboyin noocee ah ayaa lagu sugaa badqabkooda?

Sheybaarrada ka shaqeeya baaritaannada faayrsaka iyo baakteeriyada waxay adeegsadaan nidaam badqabka sheybaarrada lagu sugayo oo loo yaqaanno BSL oo sheybaarrada caalamka loo isticmaalo.

Nidaamkaasina wuxuu maraa afar heer, oo ku saleysan qalabka sheybaarka laga isticmaalaya si xirfadlayaasha sheybaarka ka shaqeynaya looga taxaddarayo iney caafimaad darro kala kulmaan sheybaarka.

Heerka 1-aad ee habka badqabka sheybaarka (BSL-1) lagu sugo waa kan ugu hooseeya oo qalabka sheybaarrada loo isticmaalo si ay dadka khatar ula so dersin.

Tallaabbooyinka badqabka sheybaarka lagu ilaaliyo heerba heerka ka dambeeya wuu sii adkaanayaa ilaa laga gaaro heerka 4-aad (BSL-4) ee qalabka sheybaarka loo adeegsado kaasoo ah kan ugu adag oo looga tala galay in wax looga qabto in laga taxaddaro khataraha sheybaarka gudahiisa ka jiro ee ay dadku u nugul yihiin sida dawooyinka iyo habka loola macamalo sida: Ebola, faayraska Marburg, si ay u dhicin dhacadadi ka dhacday laba shey baar oo ku kala taallay Ruushka iyo Mareykanka oo uu xanuunka busbuska ku soo fakaday.

Nidaamka badqabka sheybaarrada lagu ilaaliyo waxaa laga isticmaalaa caalamka oo idil, balse adeegsiga ayaa lagu kala duwan yahay.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO) waxay daabacday habraac muujinaya heerarka badqabka sheybaarrada ee la dajiyey balse hay’addu waxay sheegtay inuusan jirin heshiis waddamada ku qasbaya iney habraacaasi raacaan.

“Waxaa habraacaan loo diyaariyey si uu u noqdo mid u gogol xaadho badqabka dadka ka shaqeeya goobaha sheeybaarka si iyaga laftooda uga ilaliyaan iney cudurra qaadaan iyo iney bulshada inteeda kalaba cudur qaadsiiyaan,” ayey tiri Dr Lentzos,

Sheybaarka WIV ee dalka Shiinaha wuxuu taageera dhaqaale ka helaa Mareykanka, wuxuu sidoo kale iskaashi uu la leeyahay Machadka Cilmibaarista ee Mareykanka.

Badqab la’aanta ay baarayaasha Mareykanka ku arkeen sheybaarada Shiinaha maxaa ka mid ah?

Jawaabta oo gaaban waxay tahay xog badan kama hayno xogta uu daabacay wargeyska Washington Post. Balse si guud haddii loo dhigo waxaa jira qaar ka mid ah nidaamyada badqabka sheybaarrada ee la xidhiidha qalabka sheybaarka yaalla oo la jabiyey.

“Cidda sharciga u leh iney sheybaarkaasi gasho, tababarrada la siiyo saaynisyahannada iyo farsamayaqaannada sheybaarka ka shaqeeya, habka diiwaangeinta iyo keydinta xogaha ee la raaco, khaladaadka dhaca sida loo maareeyo, khataraha dhici karo iyo habka la raaco marka ay dhacaan xaalado degdeg ah,” ayey tiri Dr Lentzos.

Ma jireen hadda ka hor feyris ka baxsaday sheybaarada?

Haa. Dhacdadi dhacday 2014-kii ee ahayd in busbuska laga helay xaruun cilmi baaris oo ku taallo meel ku dhow Washington. 2015-kina militariga Mareykanka waxay si kedis ah ay u qaadeen munado ka mid ah Anthrax, iyaga oo geeyey 9 sheybaar oo ku yaalla dalka Mareykanka iyo sheybaar ku yaallo saldhigga ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Kuuriyada Koonfureed.

Warbixin online lagu qoray bishi January ayaa sheegtay faayrsaka inuu noqon karo mid lagu diyaariyey sheybaar si markii la rabo loo adeegsado. Hase yeeshee, eeddaasi iyo hadalkaasiba waxaa marar badan beeniyey oo gaashaanka u daruuray Saaynisyahannada caalamka ku kala sugan, waxayna saaynisyahannadu sheegayaan daraasadda ay sameeyeen ay muujineyso Faayraska inuu xaywaan ka yimid.

Eedda kale ee ku saabsan inuu faayraska uu ka fakaday sheybaar ku yaalla dalka Shiinaha iyo inuu ka yimid suuq cunnooyinka lagu iibiyo oo ku yaalla magaalada Wuhan, xaruumaha cilmi baarista ee ku howlan cudurrada faafa waa ay beeniyeen eeddaasi.

Khamiistina afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha Zhao Lijian oo shir jaraa’id qabtay wuxuu warfidiyeennada u sheegay WHO iney xaqiijisay inaan wax caddeyn ah loo haynin faayrsaka Coronavirus inaan sheybaar lagu sameynin.

Isla-markaana cudurka aan wax caddeyn ah loo haynin eedaymaha sheegaya inuu ka soo fakaday sheybaar ku yaalla magaalada Wuhan.

Madaxweyne Donald Trump oo cadaadis xooggan kala kulmaya jawaabta ay xukumaddiisa ka bixisay cudurka safmarkaee Coronavirus, wuxuu sheegay dowladda Mareykanka iney baaritaan ku sameyneyso warka sheegaya cudurka in sheybaar lagu sameeyey.

Shiinahana waxaa marar badan lagu eedeeyey sida ay u maareysay marki ugu horreysay uu cudurka soo ifbaxay, iyada oo wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pomeo uu xilligaasi uu Beijing ugu baaqay “xogta ay hayso inay shaaciso”.

Hadallada kulkulul ee ay waddamadu isdhaafsanayaan ayaa weli halkoodi ka sii socda, iyada oo dhinaca kalana ay socdaan cilmibaarisyo lagu ogaanayo asal ahaan cudurka halka uu ka yimid.

Xigasho BBC-Somali

Warbixin online lagu qoray bishi January ayaa sheegtay faayrsaka inuu noqon karo mid lagu diyaariyey sheybaar si markii la rabo loo adeegsado. Hase yeeshee, eeddaasi iyo hadalkaasiba waxaa marar badan beeniyey oo gaashaanka u daruuray Saaynisyahannada caalamka ku kala sugan, waxayna saaynisyahannadu sheegayaan daraasadda ay sameeyeen ay muujineyso Faayraska inuu xaywaan ka yimid.

Xigasho BBC-Somali