Qaraxyadaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa ay ka dhaceen degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana jugtooda laga maqlay Xaafadaha kala duwan ee degmadaas.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxyada oo ahaa laba ay ahaayeen miino lagu aasay Maqaaxi Shaaha laga cabo oo ku taalla degmada Awdheegle,isla markaana qaraxyada ay ku geeriyoodeen laba Ruux oo kala ah hal askari iyo qof Shacab ah halka Saddex Askari ay ku dhaawacmeen.
Guddoomiyaha degmada Awdheegle Cabdullaahi Cismaan Abuukar ayaa xaqiijiyey qaraxyadaasi ka dhacay degmada Awdheegle,isaga oo sheegay inay wadaan baaritaano.
Ciidamada khasaaraha kasoo gaaray qaraxyada ka dhacay ayaa ahaa Boolis sida aan wararka ku helnay,waxaana degmada Awdheegle ka socda howlgallo ay Ciidamada ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey qaraxyada.
4-tii Bishii December sanadkii la soo dhaafay ee 2019 ayay aheyd markii Guddoomiyihii degmada Awdheegle Maxamed Yarow qarax miino lagu dilay xilli uu marayay inta u dhaxeysa degmada Awdheegle iyo deegaanka Sabiib oo isla Awdheegle ka tirsan.