Maamulka Puntland ayaa xaqiijisay bukaankii u horeeyay ee deegaanada Puntland u geeriyooday cudurka Coronavirus, sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka maamulkaas.
Sida ay wasaaraddu sheegtay marxuumka ayaa la sheegay in 21 bishii April uu ku geeriyooday degmada Goldogob ee Gobolka Mudug.
Marxuumkan ayaa horay looga qaaday dheecaan, si loo ogaado inuu qabo xanuunka covid19, waxaana natiijadii soo baxday lagu xaqiijiyay inuu qabay cudurkaas.
Tirada dadka laga helay Covid19 deegaanada Puntland ayaa gaartay 11 ruux, isla markaana aysan jirin qof wali ka bogsaday.