Kormeerihii waxbarashada gobolka Nugaal ee dowlad goboledka Puntland Cumar Guure ayaa maanta u geeriyooday cudurka Coronavirus, sida ay Hiiraan Online u xaqiijiyeen masuuliyiin latirsan Puntland.
Masuulkaan ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku jiray xarunta lagu hayo dadka qaba Covid19 ee magaalada Garowe, kadib markii laga helay cudurka safmarka ee Coronavirus.
Waa masuulkii ugu horeeyay ee katirsan Puntland oo cudurka u geeriyooday.
Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Puntland mudane Siciid Cabdulaahi Dani ayaa ka tacsiyeeyey Geerida wasiirkii waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim.
Hoos ka akhriso war qoraaleedka la soo baxay xafiiska war faafinta madaxtooyada Puntland.
“Madaxweyne Deni “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.
Waxaan uga tacsiyaynayaa ummadda Soomaaliyeed, Dowladda iyo shacabka Jubbaland, eheladii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim oo ku geeriyoodey dalka Hindiya. Marxuumku waxa uu dalkaasi u tegey xaalad caafimaad.
Waxaan dareenka tiiraanyadaasi la wadaagayaa masuuliyiinta Jubbaland oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, qoyskiisii, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka tegey Marxuumku, Rabbi samir iyo iimaan haynaga-siiyo dhammaanteen, wuxuu ahaa masuul Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaan Alle u waydiinayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa.”