Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa war ay soo saareen oo lagu baahiyey warbaahintoda ku sheegtay dilka goolhayihii hore ee xulka kubadda cagta qaranka Soomaaliya Cabdiweli Colaad Qanyare Gaatamow.
Allaha u naxariistee Gaatamow ayaa waxaa xalay lagu dhex dilay masjid ku yaalla degmada Afgooye, halkaasi oo ay ku weerareen rag hubeysan, isaga oo tukanayey saaladda Taraawiixda.
Qoraalka warbaahinta Al-Shabaab lagu daabacay ayaa lagu sheegay in inay hawlgal gaar ah ku dileen wax ay ugu yeereen Sarkaal ka tirsanaa dowladda federaalka Soomaaliya, inkasta oo xaqiiqda ay tahay in Gaatamow aanu ka tirsaneyn dowladda
βHawlgal gaar ah oo ciidamada Mujaahidiinta ay ka fuliyeen gudaha Degmada Afgooye ee Wilaayada Shabellaha Hoose waxay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa kooxda ridada Soamaaliya,β ayaa lagu yiri qoraalka mintidiinta Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in Gaatamow uu ahaa gudoomiyihii isboortiga ee dowlada federaalka ee degmada Afgooye.
Si kastaba, cayaaraha Soomaaliya iyo xiriirkaba ayaan wax shaqo ah ku lahayn dowlad, waana xiriiro ka madax banaan siyaasadda, oo xitaa haddii dowladda ay faro-gelisay horseedi karta ganaax ka yimaada xiriirka kubadda cagta caalamka ee FIFA, waana wax yaab leh in Shabaab ay Gaatamow ku sheegto inuu ka tirsanaa dowladda.
Shabaabka hubeysan ee dagaalka dhiigga badani ku daadanayo dalka ka wada ayaa waxay xilliyada qaarkood ay dadka ku dhex dilaan Masaajida, xilli ay sheeganayan inay diinta Allah u dagaalamayan.