Maamul goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay dhismaha golaha deegaanka ee maamulkaasi loo samaymayo.
Maamulka ayaa waxa uu sheegay in laga fogaado in qaab qabiil ama siyaabo kale oo carqaladayn kara dhismaha golaha deegaanka ee loo samaynayo Baydhaba,Baraawe,Ceel-Barde iyo kuwa kale.
Maamulka ayaa intaasi waxa uu ku daray in ay wanaagsan tahay in qaab ay kuwada qanacsan yihiin shacabka deegaannada loo dhisayo golaha deegaanka, isla mar ahaantaasina laga shaqeeyo danaha bulshada Soomaaliyeed ee deegaannadaasi, isla markaasina aan la siyaasadaynin.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay socdaan hawlaha dhismaha golaha deegaanka ee maamulka KGS.