Warbaahinta Mareykanka ayaa durba tabineysa inuu jiro walaac laga qabo xaaladda caafimaad ee madaxweyne Donald Trump, waxaana jira shaki laga qabo inuu haleelay xanuunka safmarka ah ee Coronavirus.
Sida ay soo tabisay warbaahinta, Askari ka tirsan ciidamadda Badda Mareykanka ayaa laga helay xanuunka kadib markii dhawr jeer baaritaan lagu sameeyay. Wararka la helay ayaa sheegaya in Trump uu ka carooday maadaama uu ku baraarugay wakhti dhaw.
Talafashinka CNN oo warbixintaan baahiyay, ayaa sidoo kale sheegay in ku-xigeenka xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Hogan Gidley uu kiiska Askariga la wadaagay saxaafadda.
Walaaca la qabo in maadaama Trump uu xiriir la sameeyey askariga laga yaabo inuu qaadsiiyey xanuunka.
Tijaabo lagu sameeyey Trump iyo madaxweyne ku-xigeenka ayaa laga waayey cudurka, hase yeeshee cudurka ayaa qaadan kara illaa 14 maalmood ka hor inta aan la arag astaamahiisa.
Dhamaadkii sanadkii hore ayey aheyd markii uu xanuunkaan ka dilaacay Shiinaha, tan iyo markaas waxaa jiray suโaalo badan oo la iska weydiiyay xaaladda caafimaad ee Trump.
Mareykanka waa wadanka ugu horreeya dhan walba saameynta xanuunka Coronavirus, in ka badan hal malyan oo ruux ayuu soo ritay xanuunka, waxaana u geeriyooday dad ku dhaw 80 kun.