Haweeney 113 sano jir ah ayaa noqotay qofka ugu da’da weyn ee dalka Spain ka bogsata Cudurka safmarka ah ee Coronavirus.
Maria Branyas oo 113 jir ah ayaa ka baxday isbitaalkii lagula tacaalayay ee Santa Maria del Tura Care oo ku yaala magaalada Olot ee bariga dalka Spain.
Haweeneydan ayaa asalkeeda ku dhalatay magaalada San Fransisco ee dalka Mareykanka 4-ta bisha Maarso sanadkii 1907, waxaana ay ku nooleyd dalka Spain sanadihii 1918-1919 oo Adduunka ku dhiftay hargab saf-mar ahaa oo tirada dadka ku dhintay lagu qiyaasay 50 milyan.
Maria ayaa waxaa loo tixgaliyaa inay tahay qofka ugu da’da weyn dalka Spain, marka loo eego diiwaanka kooxda caalamiga ee cilmi baarista dalka Spain ee Gerontology oo ah koox raad-raac iyo kormeer ku sameysa dadka da’dooda gaaray 110 sano.
Si kastaba ha ahaatee warbixino horay loo shaaciyay ayaa sheegaya in cudurka Covid-19 ay u dhintaan dadka da’dooda u ka sareeya 40-60 sano, waxaana haatan soo baxaya dad da’dooda intaa ka weyn oo si layaab leh uga badbaaday cudurkan.