Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

Ra’isal wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay iney laga maarmaan tahay iney doorashada xilligeeda ku qabsoonto, sida oo kalana doorashadu ay tahay sharciyadda ay ku joogaan xilalkana ay ku hayaan.

Ra’isal wasaaraha ayaa hadalkaasi sheegay xilli uu la kulmay golahiisa wasiirrada. Wuxuuna Ra’isal wasaare kheyre uu ku baaqay maanta laga billaabo iney tahay in la diyaariyo sidi ay doorasha u dhici lahayd.

“Dalkan waa inuu afarti sanaba mar uu doorasho galo, doorasha ay dadka intooda badan isla oggol yihiin , dadka ay quseyso doorashada oo dhan ama badankooda (stakeholders) ay qayb ka yihiin. Doorasha ayaa ka dhici jirtay dalkan waxay doontaba ha ahaatee waana tan na siisay sharciyadda aan ku joogno. Doorasha iney dhacda ayaa ka muhiimsan inta kale” ayuu yiri.

“Taa macnaheedu waxay tahay inuu qof weliba uu ku dhasho dareenka ah iney dalkan afarti sanaba mar ay doorasho ka dhcado. Hadda waxaa gacanta ku haya baarlamaanka, waxaa kale oo shaqeeya guddigi laakiin ka siyaasiyiin ahaan madaxdii qaranka oo golihi wasiirrada ah waxaan rabaa inaad ogaataan oo aan ku fikirno laga billaabo maanta iney shaqadeenna ay noqon doonto sidi dalkan aan u gaarsiin laheen doorasho umadda Soomaaliyeed u dhan tahay, xasiloon, nabad ah, dadku ay qayb ka noqdaan” ayuu yiri Ra’isal wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo golahiisa wasiirrada la hadlayey.

Haddaba muxuu ka dhigan yahay hadalka Ra’isal wasaare Kheyre? Muxuuse ka tari karaa guuxi muddo kororsi eee jiray? waxay su’lahaasi iyo su;aala kalaba BBC-da u bandhigtay Agaasimaha Machadka Heritage C/rashiid Xaashi.

“Hadalka Ra’isal wasaaraha hadal macquul ayuu u egyahay oo wanaagsan, dowlad ahaanna haddii uu yiri wakhtiga ugu badan baan gelin doonnaa iney wakhtigeeda ku dhacdo doorashada xalaal ah, oo aan dhibaata keenin, oo aan dalkan qalalaasa ku keenin ayagana wixi ay qabteen iyo sharciyaddooda aan sii carqaladeyn runtii waa war wanaagsan oo u baahan in la soo dhaweeyo, laakiin haddii fursad la heli lahaa waxaa la sii weydiin lahaa su’aalo iyo faahfaahin intaa ka badan”.

“Doorasha in la qabto waa lagu qasban yahay oo wakhtiga madaxweynuhu dhammaado oo 8-dda Fabraayo la gaaro, qolyaha baarlamaankana ilaa Octoobar-December la gaaro muddo xileedkoodi ayaa dhammaanaya haddii marka wakhti la gaaro oo ay doorasha dhicin ma talin karaan oo sharciyad ma haystaan”, ayuu yiri.

“Ilaa iyo 2,000 waxaa dalka lagu soo waday qolo walba marka uu wakhtiga u dhammaado doorasha tii hore ka fiican iney sameeyaan, dowladdanna waxaa laga sugayaa dooorasha hal qof iyo hal cod ah, annaga bishii hore daraasad aan soo saarnay waxaan ku caddeynay wixi loo baahnaa ama sababi lahaa doorasha hal qof iyo hal cod ay suuragal ahayn, waxaanna ku talinnay dhinacyada ay quseeyso siyaasadda Soomaaliya oo dhan iney iisu yimaaddaan balse waxaad mooddaa iyada oo ay 9-10 meelahaa harsan yihiin in aad loo daahsan yahay oo aan weli la iisu iman” ayuu yiri C/rashiid.

“Laakin, tallaabbadan waa tallaabba macqul ah uu hadda Ra’isal wasaaruhu ku dhawaaqay waana iney sidii galmudug oo kale ay aad u jiitamin oo xal la gaaro” ayuu yiri Agaasimaha Machadka Heritage C/rashiid Xaashi oo BBC warramay.

Walaaca laga muujiyey muddo kororsi

In muddo ahba waxaa isasoo tarayay walwal ku saabsan in saameynta coronavirus ay taabato jadwalka doorashada Soomaaliya.

Midowga ayaa walaac ka muujiyay in dib loo dhigo doorashada dalka Soomaaliya ka dhici doonta.

Wakiilka EU-da ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka waxa uu ku sheegay in Midowga Yurub ay ka walaacsan yihiin cawaaqib xumo ay suuragal tahay inay ka dhalato taariikhda cusub ee loo qabtay in guddoomiyaha guddiga doorashada Soomaaliya ay hor tagto Baarlamaanka Federaalka.

Image copyrightNICOLAS BERLANGA/TWITTER.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa BBC-da kala hadlay walaac laga qabo in dib u dhigista furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka ay horseeddo dib u dhac ku yimaada doorashada Soomaaliya.

Saameynta ka dhalatay cudurka Covid-19 oo Soomaaliya gaaray ayaa sababtay in la hakiyo howshii Baarlamaanka, taasoo udub dhexaad u ahayd hannaanka doorashada xigta ee dalka.

.
Image captionGuddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh

Hase yeeshee, guddoomiye Mursal ayaa ku adkeystay in xal loo heli doono sidii doorashada xilligeeda loo qaban lahaa.

“Waxaan rabaa in hal qodob si fiican loo fahmo. Sharcigan doorashada waxaa loogu talagalay baarlamaanka, oo kala ah Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare. Muddooyinkii ugu dambeeyay ee aan kasoo gudubnay oo ay ugu dambeysay 2016-kii, doorashada la aadi jiray waxay ahayd doorasho dadban, marka waxa la dooranayo waa 275 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 54 oo Aqalka Sare ah, sidaas awgeed waxay ila tahay intaas xal loo waayi maayo”.

“Waxaan magacownay guddi kasoo shaqeeya qodobbada ka dhiman sharciga doorashooyinka, iyagoo kaashanaya guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka, howshiina way wadaan inkastoo arrintaan coronavirus ay u saamixi waysay shaqooyinka qaar, laakiin shaqo fiican ayey qabteen ilaa hadda, waxaana aaminsan nahay inay soo dhammeystiri doonaan, waqtigii loogu talagalayna ay doorashada dhici doonto”, ayuu yiri guddoomiyaha Baarlamaanka.

Wuxuu Mursal meesha ka saaray suurtagalnimada in la kordhin doono muddo xileedka Baarlamaanka iyo madaxweynaha.

“Waddankan dastuur ayuu leeyahay, dastuurkaasna xilli ayuu ugu talagalay muddada xil-heynta Baarlamaanka iyo midda madaxweynaha. Waxaan rabnaa intaan xilligaas la gaarin ka hor inay doorasho dhacdo”, ayuu yiri Guddoomiye Mursal.