Ugu yaraan 20 askari iyo inkabadan 40 ruux oo shacab ah ayaa ku dhimatay weeraro ka dhacay dalka Nigeria.
Weerarada oo ahaa labo ayaa waxa ay sigaar ah kaga dhaceen gobolka Borno ee waqooyi bari dalka Nigeria halkaas oo ay sidoo kale ku dhaawacmeen boqolaal ruux oo shacab ah.
Weerarkan ayaana kusoo beegmaya maalmo uun kadib markii kooxo hubaysan ay deegaano katirsan gobolkaasi ku dileen illaa 81 ruux.
Wali majirto koox sheegatay masuuliyada weerarkan balse waxaa dalka Nigeria ku sugan kooxo hubaysan oo ay qayb ka yihiin Boko Haram iyo Isis