Maamulka Hirshabelle ayaa qiray in maleeshiyada Ururka Al Shabaab ay ku soo xoogeysanayan Gobolka Shabellaha Dhexe, ayna taasi u sahashay weerarada ay xilligan ka gaysanayan.
Maxamed Cabdiraxmaan Khayre, Wasiirka Amniga Hirshabelle ayaa tilmaamay inay tani ka dhalatay hawlgaladii dhawaan laga sameeyay Gobolka Shabellaha Hoose, ee Shabaabka looga xoreeyay dhul badan.
Wasiirka Amniga Hirshabelle oo u waramay BBC ayaa xusay in ay Dowladda Federaalka kala hadlaan in hawlgalada laga wada sameeyo Labada Shabelle, bedelkii mid qura laga samayn lahaa.
Wasiir Khayre ayaa yiri “Horey waan ugala hadalnay Dowladda Federaalka arrimahaasi. Hawlgalada inay labada dhinac ka socdaan ayaa aad u wanaagsaneyd, maadaama hadda Shabellaha Hoose oo keliya lagu weeraray nimankan, meelo badan-na laga qabsaday. Ukumankoodii iyo ajaaniibtoodii ayay u soo rarteen Shabellaha Dhexe, dhankaan waxay nooga soo gudbeen hawdka ah ee Labada Shabelle isu xira, marka taas ayaa caqabadda keentay.”
“Waayihii dambe waxay aad u soo badiyeen inay culeys soo saaraan Shabellaha Dhexe, marka sababta mar walbana keentay inay Balcad iyo nawaaxigeeda ka sameeyan dhibaatooyin, qaraxo ama weerar toos ah waxaa u sahashay inay haystaan meel ay ku cararaan oo gabaad ay ka dhigtaan.”
“Marka Labada Shabelle haddii mar uu hawlgalka ka dhici lahaa, waxaan rajayn lahayn in nimankan meel ay ku gambadaanba aysan heli lahayn, waayo ma qaybsamaan, waa niman aad u tiro yar, marba dhinac u guur guuro.”
Hirshabelle oo sheegtay in Shabaab ku soo xoogeystay Gobolka Shabellaha Dhexe
previous post