Guddiyada Farsamada Somaliland iyo Somalia ayaa lagu waddaa in ay mar kale ay kulan ku yeeshaan Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti.
Kulankaan ayaa waxaa hoggaamin doona Wasaaradda Arrimaha dibada dalka Jabuuti oo sheegtay in ay goโan tahay in xal buuxa loo helo dhibaatada taagan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in guddiyadda labadda dhinac ay kulmi doonaan 14 berri ka dib si loo dhameystiro hirgalinta heshiiskii ay wada gaareen labada dhinac.
Guddiyada ayaa ah kuwa gaar ah oo labadda dhinac ka socda, waxaana sidoo kale 45 berri ka dib kulmi doona Wasirada labadda dhinac ee qeybta ka ah wadahallada Somaliland iyo Somalia.
Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay in uu diyaar yahay guddiga Farsamada ee qaabilsan wadahallada in ay gaaraan dalka Jabuuti 14 maalin ka dib.