Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed Khasaare badan geystay oo ka dhacay degaanka Xananbuure ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud dagaalkaasoo u dhaxeeyay Labo Maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Cadaado iyo Dhuusamareeb.
Dagaalka ayaa soo gaaray xalay ka dib markii uu bilowday Shalay gelinkii dambe.
Dhawaacyo badan la geeyay Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb sidda ay xaqiijiyeen maamulada Isbitaallada.
Ku dhawaad 10 ruux la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaal beeleedka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.
Dhinacyada dagaalamaya ayaa mudaba is hor fadhiyay ayaa isku haya baraago laga qoday dhul miyi ah oo deegaankan hoostaga taasi oo xalkeeda dhowr jeer lagu guul dareestay .
Wasiirkii hore ee Wasaarada Shaqadda iyo Shaqaallaha Galmudug Daahir Shidane Cabdi ayaa xalay u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray dagaalka ka socda degaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.
Wasiirka ayaa la sheegay in uu dhaawac soo gaaray xilli uu degaankaasi u tagay sidii loo kala dhex gali lahaa beellaha Walaalaha ee halkaasi ku dagaallamaya.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa amray in dagaalka si deg deg ah loo joojiyo, islamarkaana Ciidanka xoogga dalka ay tilaabo ka qaadan Maleeshiyaadka dagaallamaya.